read more »">
Calendar

Faah Faahin dheeri ah oo ka soo baxeysa weerar Bomb oo saaka aroortii lagu qaaday Maxkamada sare ee dalka Hindiya

30india-600Delhi (www.Bartamaha.com):-Inta la ogyahay 10-ruux ayaa ku dhintay 47-kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar saaka aroortii lagu qaadayAfaafka hore maxkamadda sare ee caasimadda Delhi 

Ra’iisal Wasaaraha iyo Afhayeenka Baarlamaanka ayaa si isku mid ah u cambaareeyay weerarka.waxana ay sheegeen in Delihi ay soo weerareen kooxo argagixiso ah.

Afhayeen u hadlay Pooliska ayaa sheegay weerarka in uu umuuqday mid lala bartimaameesan rabay martida gudaha maxkamadda ku sugneed.

Xiliga qaraxa uu dhacaayay ayaa waxa aad mashquul u ahayd maxkamadda.Pooliska ayaa siddoo kale sheegay in aad loo adkeeyay amaanka magaaladda ganacsiga dalka Hindiya ee Mumbai

Majiro cid ilaa hadda sheegtay weerar maanta lagu qaaday magaaladda Delhi ee dalka Hindiya, bishii June ayaa weerar Bomb oo la adeegsaday waxa lagu qaaday magaaladda Delihi in kastoo uusan qasaare geesan.

W/D:Xafiiska Wararka Muqdisho www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: