Calendar

Faah Faahin Dheeri oo ka soo baxaysa Mucaaradka Libya oo gudaha u galay Caasimadda Tripoli

7Tripoli (Bartahama.com):- Wararka ka immanaya caasimadda Libya ayaa waxa ay sheegayaan inta badan Caasimadda Libya in ay gacanta ku dhigeen mucaaradka dalkaas, ka dib dagaallo culus oo maalmahan ka socday magaaladda.

Dagaalka waxa uu hadda xoogiisa ka socdaa dhismaha Korneel Qadaafi ee Baabul Casiisiyah. Waana xarunta dowladda waxa kaloo ku yaala dhismaha TV-ga Qaranka Libya

Habeenimadii xaley bartamaha magaaladda Tripoli waxa gudaha u galay mucaaradka iyagoo ka soo duulay dhinaca barriga iyo galbeedka magaaladda

Afhayeen u hadlay Mucaaradka ayaa sheegay kooxaha taageersan Korneel Qadaafi in ay heestaan boqolkiiba shan iyo toban magaaladda Tripoli

 

Mucaaradka sidoo kale waxa ay sheegeen in ay gacanta ku dhigeen Korneel Qadaafi wiilkiisa Saif al-Islam, laakin waxa aan la hubin halka uu hogaamiyaha Libya ku sugan yahay.

Hogaamiyaasha Aduunka ayaa soo dhaweeyay isbadalka Libya ka dhacay. ,waxana ay ugu baaqeen Korneel Qadaafi in uu meesha katago. Kolanyadda Mucaaradka ayaa lagu arkay magaaladda habeenkii xaley

Wasiirka Warfaafinta Libya Moussa Ibrahim ayaa sheegay 1,300 oo qof in ay dhinteen halka 5,000 kalena ay ku dhaawacmeen, waxana intaas uu ku daray in aan la hayn tira koobka dadka wax yeeloobay ee ku jira Isbitaaladda.

 

W/D:Xafiiska Wararka www.Bartamaha.com Muqdisho Soomaaliya

Sawiro

3

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: