read more »">
Calendar

Faah faahin ku saabsan weerarkii madaxtooyada iyo Alshabaab oo sheegatay

Vila Somalia LargeBartamaha Muqdisho – Ururka Al-shabaab ayaa si cad usheegatay mas’uuliyada weerarkii caawa lagu qaaday madaxtooyada Soomaliya, oo uu khasaare ka dhashay.

Afhayeenka dhinaca hawlagalada  ururka Al-shabaab Sheekh Abu- Muscab  ayaa warbaahinta usheegay in weerarku uu ahaa mid qorshaysan, waxaana uu intaasi ku daray in muddo sacado ah ay gacanta ku hayeen madaxtooyada.

Sarkaalkan ayaa sheegay in ciidamo badan ay ku dileen hawlgalka, isagoona intaasi raaciyey inay bad qabaan ragii weerarka fuliyey sida uu hadalka u dhigay.

Saraakiisha dowlada ayaa dhankooda sheegay inay laayeen kooxdii weerarka soo qaday, iyagoona ku edeeyay xubno katirsan shaqaalaha madaxtooyada inay ku lug leeyihiin weerarka ay Al-shabaab soo qadeen.

Weerarkii caawa ayaa ahaa midki ugu ballaarna oo saacado qaata kaasi oo lagu qaado gudaha madaxtooyada, waxaana dadku ay sheegayaan in banaanka madaxtooyada lagu arkayo maydad badan oo yaala, inkastoo aan lakala saari karin.

Madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayay wararku sheegayaan inuu kamaqnaa madaxtooyada xiligii uu weerarku dhacay, waana markii labaad oo ay Shabaab weeraran madaxtooyada Soomaliya inta lagu guda jiray sanadkaan.

Warar kale ayaa ku waramaya in guri ay ku jireen xubno katirsan gollaha wasiirada uu hortiisa qarax ka dhacay intii uu socaday weerarka lagu qaaday madaxtooyada.

Dad badan ayaa aminsan in dowlada Soomaliya ay ku fashilantay sugida amaanka Muqdisho, inkastoo ay dowladu qiil ka dhiganayso in falalka dhacaya mujiinayso awooda shabaab oo sii dhamaanaysa.

 

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: