Calendar

Farmaajo oo wareysi uu siiyey TV laga leeyahay Talyaaniga uga codsaday dowlada Talyaaniga inay hogaanka u qabtaan dibu dhiska Soomaaliya.”Daawo ama Akhriso “

farmaajo
Waxaa ka dhacay  magaalada Roma(Italia) december 1-2 shirar qurbajooga somaliyeed oo u qayb galay Mohamed Abdullahi Mohamed, ra’iisulwasaarihii hore ee somaliya.
Shirarkaa waxaa ka soo qayb galay somali badan, xildhibaano ka socdey dhammaan xisbiyada talyaaniga, guddomiyaha ururka xuquuqul insaanka dalkaa, jaraa’ídka dalkaa ugu waaween iyo tv-da.waxaan halka hordhac ahaan ugu soo gudbinaynaa bulshada somaliyeed mid ka mid waraaysiyadii u Mohamed Abdullahi siiyey tv-yada Talyaaniga.
Wareysi uu ku bixiyey afka Englishka balse haddana lagu sii tarjumayo afka Talyaaniga ayaa waxaan  jecleysanay in aan idin ku rogno afka soomaaliga si aad uga bogataan wareysiga uu bixinyo Maxamed Cabdilahi Farmaajo ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya,kaasi oo baryahanba kulamada qurbajoogta soomaalida kala qeybgalayey meelkasta oo lagu qabto. Haddaba wareysigan oo taabanaya xaalka dhabta ah ee soomaliya waxa uu u dhacay sidan:
Wariyaha : Somaliya waa naga fogtahay lakiin tariikhdeena ayey isku maleeganyihiin. Waxaa noo ah marti si aan raalli  uga nahay Mohamed Abdullahi Mohamed, ra’ iisul  wasaarihii hore ee somaliya  oo shirar ku qabanaya dalka Talyaaniga. Marka laga hadlayo dalka Somaliya waxaa laga sheegaa argagixiso, burcadbadeed, dagal sokeeye iyo abaaro.dalkaa kama jirto dowlo sidii ay u dhacday midii Mohamed siyaad Barre. Waxaan ognahay in ayaamahan la duqeeyey meelo ku yaal xuduudka kenya iyo somaliya si loo baacsado Al-shabaab. Haddaba  maxaad u timid dalkan maxayse tahay ujeedadaadu ?
Farmaajo : Waxaan ku imid dalkaan martiqaad u ii fidiyey ururka Associazione migrare. Waxaan doonayaa in an qurbajoogta somaliyeed ku sii baraarujiyo u hawlgalka nabad ku soo dabaalidda dalkooda.Waxaan sidoo kale doonayaa in an dareensiiyo dalka talyaaniga in an gacan uga baahananahay saan dalkeena uga saarno qaska jira oo uguna soo celino nabad.  Dowlada somaliya waa mid tabar yar oo aan dagaal ku muuquunin karin al-shabaab oo ku xiran Al-qaaida waxayna u baahantahay tageerada caalamka siiba mida Talyaaniga. Waxaan doonaynaa in dalkayaga an ka saarno qaska u ku  jirey 20kii sano ee ugu dambeeyey.
Wariyaha : Adiga arrintaadu waa mid gaar ah. Waxaad ku noolayd mudo dheer dibada, magaalada Buffalo, waxaa ka soo tagtay xaas iyo afar caruur ah. Maxaad kala kulantay muqdishu markaad tagtay?
Farmaajo : Waa runtaa anigu  26 sano ayaan ka maqnaa dalka, markaan muqdishu ku noqday waxaan  arkay magaalo burburtay, waxaan arkay dhaqan kayagii oo burburay, waxaan arkay diintii islaamka oo loo adeegsadey dad layn. Burcadbadeeda aad soo qaadey waxay ku timid dowlo la’aanta  iyo xasillonidarrada. Dowlada Talyaaniga ee xirrirka tariikhigu naga dhexeeyo waxaan ka doonaynaa in ay gacan na siiso saan dalka nabad ugu soo celino. Annagu waxaan u fududaynaynaa say hawsha noola qaban lahayd.waxaan doonaynaa in ay ku taageerto fagaareyaalka caalamka wixii danta somaliyeed ku jirto. Xasillonidarrada al-shabaab ka wado somaliya waa mid leh ujeedo u daran dalal badan. Haddii Al-shabaab naga gulaysato dhibaato waxay gaari dalal badan oo geeska afrika iyo kuwo ka fog. Ku ekaan mayso somaliya oo kali ah.
Wariyaha : 9 bilood kadib waad ka degtay ring-gii “Wadadii” . Ma hawshii yaad u aragtay mid aan socon karin?
Farmaajo : Hawsha i soo foodsaartay way adkayd oo waxaa la ii magacabay dal an abidki looga dhaqmin qaab dowli ah oo hagaagsan. Lakiin, anigu markii la ii magacaabay xilkaas waxaan u yeertay oo kaalmo weydiistey oo wasaaridihii u dhiibey dad aqoon leh.waxaan hawlgaliney ciidamadii somaliyeed annagoo mushaarkoodii sugnay oo siinay, qalabkii siinay, dawadii siinayna taasoo keentay in ay guulo isdaba joog ah soo hoyiyaan ayagana ayaana  ku fillaan kara hawsha ciidan ee loo baahan yahay oo idil haddii baahidooda asaasiga ah la daboolo, loomana baahanayo ciidamo ethiopia iyo kenya laga keeno. Waxaan samayna sharci lagu maamulo maaliyada na soo gasha, waxaan si cad oo dhammaystiran ula dagaallannay musuqmaasuqa. Waxaan muujinay in wax la hagaajin karo taasoo rajadii ku soo celisay shacbiga.Anigu waxaan ku dhashay magaalada muqdishu, ayada yaan ku koray oo wax ku bartay, kuma dhawran karin dadka silica yaalley xamar, waxaan isku dayey in an wax ka bedelo.
Wariyaha : waxaa la fakaray ama la fakarayaa ama la fakari  karaa, ama fakari doonaa in lala xaajoodo qolada idinka horjeeda sida afganistan la isku dayayo.  ma idinku jirataa somali hadaad tihiin in qoladaas aad la xaajootaan?
Farmaajo : Ugu horrayn kama anu helin bulshda caalamka dadaal la mid ah midka afganistaan ka heshay bulshada caalamka, dhanka kale dadka al-shaabaab u taliyaa ma aha kuwo jooga dalka somaliya.waxay joogaan Afganistan, pakistan iyo waliba, sida loo malaynayo qaarkood, America. Ma aha dad somaliya. Si kastaba dowlada somaliyeed waa isku dayaysaa in ay wada hadal la gasho.
Wariyaha: Ugu dambantii waxaa jira abaaraha maxaad ka leedahay?
Farmaajo: Waa arrin banii’aadanimo, waa wax laga xumaado in qarniga 21aad la  arko caruur  iyo haween u le’anaya gaajo, lakiin ma aha in an arrimaha ka daba jiitano oo had iyo jeer arrin dhacday wax ka qabashedeed la doono, waa in arrimaha an la falgalno. Waxaa dhab ah in an gaajo laga joojin karin bulsho an abaabulleyn oo kala daadsan oo an dowlad lahayn. Waxaan nahay banii’adan gacan u baahan.waxaan ka codsanaynaa dadka iyo dowlada talyaani in ay gacan nasiiyaan.
Wariyaha: waxaan rajeynayaa in qaylodhaantaadu noqoto mid la aqbalo.
Intaasi ayuuna kusoo dhamaaday wareysiga lala yeeshay ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Abdilaahi Farmaajo oo dhawaan socdaal uu uga qeybgalasho shir ay yeesheen qurba joogta soomaliyeed uga qeybgalay wadanka Talyaaniga, Waxaana Farmaajo inta uu halkaasi joogay kulamo la qaatay madax ka tirsan dowlada Talyaaniga iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed. Isagaa ugu danbeyntii dib ugu laabtay wadanka Mareykanka oo uu horey uga yimid.
HALKAN KA DAAWO WAREYSIGA OO MUUQAAL AH :
http://www2.tv2000.it/s2ewtv2000/s2magazine/index1.jsp?idPagina=14&id_sito=1&autoplay=1&url_media=http://podcast.glauco.it/clip/sat2000/./asx/Ze771ef2146374.asx

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: