Calendar

Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Odayaal kasoo jeeda Bay iyo Bakool oo Baydhabo kulamo ku yeeshay

jawaari

Prof. Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari”  Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Firdaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa waxa ay kulamo la leeyihiin waxgaradka iyo odayaasha Bay iyo Bakool sida uu saxaafada u sheegay  Shariif Aadan Xassan oo kamid ah waxgardka goboladaasi.

Shariif Aadan ayaa sheegay in gudoomiyaha Baarlamaanka safarkiisa ay ku wehliyaan qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ee kasoo jeeda gobolada Bay iyo Bakool, waxa uuna tilmaamay Shariif Aadan in gudoomiayaha Baarlmaanka ay iyaga ugu yeereen in uu yimaado Baydhabo si buu yiri ay uga dhaadhiciyaan maamul goboleed ka kooban lix gobol oo dhawaannahanba Dhismihiisa uu ka socday magaalada Baydhabo.

Shariif Aadan Xassan ayaa tilmaamay in saacadaha soo socda ay waxgaradkooda la kulmi doonaan gudoomiayaha Baarlmaaanka si ay uga dhaadhiciyaan maamul goboleedka dhismihiisa laga abaabulayo Baydhabo iyo sidoo kale in aysan ku qanacsaneyn heshiiskii dhawaan dowlada iyo maamulka Axmed Madoobe ku gaareen magaalada Adis Ababa ee dalka Ethiopia.

Dhaanka kale  Shariif Xasan sh. Aadan ayaa xusay in hadii gudoomiayaha Baarlamaanka uu ka diido codsigooda ay u arki doonaan qof aan waxba uga duwaneyn ama waxba u dhaamnin Xassan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Dhawaanahan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa waxaa ka socday shir la doonayo in maamul loogu sameeyo lixda gobol ee Koonfur Galbeed Soomaaliya kuwaasi oo ay ku jiraan gobolada iminka loo aqoonsaday maamulka KMG Jubba ee Gedo iyo Jubooyinka, ayadoona sidoo kale dhawaan uu Baydhabo ka dhacay banaanbax looga soo horjeeday dowlada federaalka ah iyo heshiiskii Adis Ababa,

Lama oga kulamada uu gudoomiyaha Baarlamaanka la leeyahay waxgaradka Bay iyo Bakool waxa kasoo bixi doona haduu ilaaah yiraahdana waxaad kala socon doontaan webka caalamiga ah ee www.Bartamaha.com,

Xafiiskiisa Muqdisho.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Featured.
« »

Comment: