Calendar

Haweenka Jaaliyada Goboladda SSC ee Cardiff oo deeq lacageed gaarsiiyey dad danyar ah (Vedio)

lacag11Qaar kamid ah Jahliyada Haweenka Kasoo jeeda Gobolada Sool, Iyo Cayn ee kudhaqan gobolka cardiffee dalka ingriiska ayaa deeq lacageed waxaa ay soo gaarsiiyey qaar kamid ah dadka danyarta ah ee ku dhaqan gobolka cayn gaar ahaana haweenka korsada caruurta agoomaha ah, kuwaasi oo ay si ba an u saameeyeen abaaraha kajira dalka somalia,

Halkan Ka Daawo Deeqda

 deeqdan lacageed oo cadadkeeda lagu sheegay $2000 oo dollar ka maraykanka ah ayaa maanta loo qaybiyey qoysas tiradoodu ku dhow dahay 50 meeyo qoys waxaana halkaasi deeqda ku gudoonsiiyey C/raxmaan SH maxamed Iyo Axmed Nuur Cabdi Aadan oo u xilsaarnaa bixinta deeqdaasi,waakan C/raxmaan oo kawarbixiyey deeqdan lacageed iyo cida soo gaarsiisey dadka danyarta ah.

qaar kamid ah dadkii deeqdaani la gudoonsiiyey ayaa mahadcelin u jeediyey haweenka deeqdani soo gaarsiiyey iyagoo ugu baaqay jahliyadaha kale ee kasoo jeeda deegaanka kuna dhaqan dunida dalacaleeda inay kuday’daan walaalahooda cardiff,

Inkasta oo aysan ahayn deeqdii ugu horaysey oo jahliyadaha deegaankani soo gaarsiiyaan qaar kamid ah dadka ay abaaruhu halakeeyeen hadana waxyaabaha deegaankan lasoo gaadhsiiyo ayaan badanaaba noqon wax dabooli kara baahida dadka danyarta ah ee kudhaqan deegaanka, iyadoo aysan jirin Hay’ado caalami ah oo ku taxaluqa deegaanka.

Halkan Ka Daawo Deeqda

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: