Calendar

Madaxweynaha Dowladda FKMG Soomaaliya Oo Kasoo Laabtey Safar Dalka Dibadiisa Ah

shr

Madaxweynaha dowladda FKMG Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho kadib safar shaqo oo uu ku tagey wadamada Uganda, Rwanda iyo Burundi oo ay ciidamo ka joogaan dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Shariif ayaa tagey magaalooyinka Kampala iyo Bujunbura wuxuuna halkaasi kula soo kulmay Madaxweynayaasha dalalka Uganda, Rwanda iyo Burundi oo uu kala soo hadlay xiriirka labada wadan iyo arimaha ciidamada Amisom, maadaama ciidamada Amisom ee jooga Soomaaliya ay ka soo jeedaan labadaasi wadan.

Safarkii Mudane Shariif ee labadaasi wadan oo ahaa mid kooban ayuu labada hoggaamiye ee wadamada Uganda iyo Burundi waxaa uu uga mahad celiay sida ay uga qeyb qaataan ciidamadooda nabad ilaalinta dalka Soomaaliya, wuxuuna Madaxweynaha Soomaaliya codsadey in dalalkaasi ay sii wadaan taageeradooda ku aadan amaanka Soomaaliya.

Burundi iyo Uganda ayaa laf dhabar u ah jiritaanka dowladda FKMG Soomaaliya maadaama ciidamada amaanka sida awoodu ku dheehan tahay uga caawiya dowladda ay yihiin ciidamada Amisom ee laga kala keenay wadamada Burundi iyo Uganda, kuwaasi oo wiiqay awooda kooxaha dowladda ka soo horjeeda ee doonayey in ay mija-xaabiyaan dowladda Madaxweyne Shariif.

Madaxweynaha dowladda FKMG Soomaaliya ayaa markii uu soo gaarey magaalada Muqdisho waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhoweeyay Saraakiil ka tirsan Wasiirada iyo Xildhibaanada Baarlamaanka dowladda FKMG Soomaaliya, waxaana loo galbiyey Madaxweynaha iyo wafdigiisii Aqalka Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: