Calendar

Hay’ada HIRDA oo Gargaar ka fulisay Iskuulada Muqadisho (Sawiro)

hirdaHay’addan ayaa ayaa si rasmi ah ugu howl gasha, Goboladda Dalka Soomaaliyeed oo dhan balse Mashruucan Bilowga ah ee ay fulisay ayaa ahaa kii ugu Horeeyay ee ay Muqdisho ka fuliso, HIRDA ayaa ah Hay’ad Si weyn loogu yaqaano Caalamka islamarkaana Fadhigeedu ugu weyn ku yaalo Dalka Holand.

hay1Maalinimadii Axadda ayaa Xaflad si heer Sare loo soo agaasimay islamarkaana ay kasoo qeyb galeen Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka, Abwaano, qeybaha kala gedisan Bulshada Saxaafadda Ardayda, lagu qabtay Xarunta Dugsiga Hoose Dhexe Sare ee ALMASSAL ee ku yaalla Degmada Wadajir.

hay2Xafladan ayaa Ujeedkeedu ahaa in lagu gudoonsiiyo Gabdhaha Iskuulka AL-MASSAL Allaabo Muhiim ah oo ay Hay’adda HIRDA ugu deeqday inka badan 250 arday gaar ahaan kuwa gabdhaha, Allaabtan ayaa inta badan ka koobnaa Allaabaha nadaafada sida gaarka ah ay u isticmaalaan gabdhaha Maadaama hay’adan qeyb weyn ka qaadato dhanka Nadaafada.

Wakiilka HIRDA ee Muqdisho Mudane Al-UStaad Cabdi Daahir Aadan Diiriye oo si aad ah wejigiisa loogu dareemayay Farxad si kalsooni leh ugu wareejiyay Allaabta Madaxa Iskuulka Almassal Ustaad Nuur Cabdi Cali kana gudoomay iyadoo durbaba isagana gudoonsiiyay Allaabta gabdhaha Iskuulka.

hay3Marti sharafkii kasoo qeybgalay Xafladan ayaa si aad ah ugu hambalyeeyay wax qabadka HIRDA ee ay ka Fulisay Muqdisho gaar ahaan Iskuulka Al-MASSAL, dadkii qudbadaha ka aqrinayay Goobta ayaa inta badan ugu baaqayay HIRDA in aysan intaa ku hakin oo ay sii waddo Howlaha Sidan oo kale ah ay na u tahay Ardayda Dhiiro Gelin.

Sidoo kale Ustaad Nuur ayaa si gaar ah HIRDA ugu codsaday in aysan noqon Markii koowaad ee deeq gudoonsiiyaan Ardayda “ xitaa waxaan ka codsanaynaa HIRDA in ardayda agoonta ah ay ka bixiso feega Iskuulka illaa Xitaa heer jaamacadeed wax barto” ayuu si cod Kor ah isagoo farxadi ka muuqato yiri Ustaad Nuur oo ah madaxa ugu sareeya Almassal.

Intii ay ay xaflada socotay ayaa Kormeer kedis ah ku tagay Mudane Cabdi Daahir Iskuulka Almassal qeybtiisa kale isagoo isla waqtigaas kaga war bixiyay Xaflada in iskuulkaas isagana u baahan yahay in wax loo qabto “waxaan tagay Qeybta kale ee Almassal waxaana ku soo arkay in uu u baahan yahay wax qabad waayo Musqullaha ay ardayda gallaan waa kuwa bur bursan, waxaana u gudbineyaa Asxaabtayda igala tirsan HIRDA ka dib ayaan wax ka qaban doonaa” ayuu yirin Ustaad Daahir.

Gaba gabadhii ardaydii la gudoonsiiyay Deeqda ayaa ka codsaday Hay’adda HIRDA in ay hore usii wado mashruucyada Sidan oo kale ah “HIRDA waxaan ka codsaneynaa in aysan noqon Deeqdii ugu horeysay ee ay na siiyaan waayo waxaan wax ku baranaa wadan aan hor marsaneyn kamana maarano Deeqaha sidan oo kale ah.

Ugu danbeyntii Xafalada ayaa kusoo gaba gabowda jawiga aad u macaan oo farxad leh.

W/D Asad Abukar Ali ( Asad Yare ) Mogadishu – Somalia
E-mail [email protected]

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: