Calendar

IGAD oo ku baaqday in si deg-deg ah ciidamo siyaado ah oo nabadda soo celiya loo geeyo Soomaaliya

AmisomBartamaha (Addis Ababa) Shir ay iskugu yimaadeen madaxda gobolka Geeska Afrika ee IGAD ayaa ka dhacay magalada Adis-Ababa halkaas oo iskugu yimaadeen madaxda 6-wadan uu ku jiro madaxweynaha Soomaaliya Shariif Axmed.

Madaxda IGAD ayaa si weyn uga dooday xaaladaha ugudanbeyay ee wadanka Soomaaliya, iyadoona madaxweynahah Soomaaliya uu shirka u sheegay iney wadanka gacanta ugu jiro kooxo xagjriin ah oo kooxda Al-Qacida xiriir la leh ayna u baahan yihiin in laga caawiyo sidi ay ula wareegi lahayeen.

War-saxafadeed ay soo saareyn markii u shirka dhamaaday ayaa IGAD muujisey walwal ay ku hayso dagaalada ka soconayo wadanka Soomaaliya oo ka cabsi qabaan inuu gobolka iyo caalamka uu saameyo, iyagoo si deg-deg ah u dalbaday in ciidamada midowga Africa lagu soo kordhiyo 2,000 kun si loo gaarsiiyo tiradii loogu talagalay ee 8,000Kun.

Shirka waxa uu macquul-gal ka dhigey iney gali karaan wadanka Soomaaliya ciidamo ka socda wadamada xuduuda la leh Soomaaliya oo ku jiraan kuwa Itoobiya iyo Kenya si ay uga hortagaan khataro jira, balse si toos ah uma cadeyn iney iminka ku dhaqaqayaan faragalintaas.

Waxa kale oo iyana ay madaxda gobolka Geeska Afrika ay uga hadlayn shirkooda maalinta qura ka socda Adis-Ababa iney midowga Africa iyo qaramada midoobe ay suurta gal ka dhigaan in la helo ciidamo gaarayo 20,000kun oo nabada soo celiya iyo ciidamo Soomaali ah si wadanka oo dhan lagu fidiyo.

Ugu daneyntii shirka ayaa soo dhaweyay heshiiskii ay dowlada iyo kooxda Ahlu-Suna ku gaareyn magalada Adis-ababa horaatii, waxana ay kusoo aadaysaa xilli ay Ahlu-Suna sheegayso ineysan matalin xubnaha dowlada cusub haatn ku biirey.

Dowlada Soomaaliya ayaa iminka ku sugan in ka yar 6-KM oo caasimada Muqdisho halkaas oo ku ilaaliyaan 5,000Kun oo ciidamada midowga Africa ee AMISOM, iyadoona kooxaha mucaaradka ay weeraro joogto ku qaadaan goobaha dowlada iyo ciidamada Nabad ilaalinta ah.
___

www.Bartamaha.com
Maxamed Cabdi Nor Mascud
[email protected]

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: