Calendar

Kooxda Alshabaab oo maamul kaga dhawaaqday degmada ceel dheer

alshabaab24Bartamaha — Wararka naga soo gaaraya DegmadaCeeldheer oo ka tirsan Gobalka Galagaduud ayaa sheegaya in degmadaa maanta maamul u magacabeen Urur diimaydka Alshabaab kaa oo hoostagi doona Maamuladooda.

Maamulkaa ayaa waxaa ku dhawaaqay Madaxa siyaasada iyo xiriirka Gobolada u qaabilsan  Sheekh Xuseen Cali Fiidoow waxaana   goobtaasi lugu magacaabay  ku sugnaa saraakiil sar sare oo xarakada ka mid ah.

Wakiilka degmadaa ayaa loo magacaabay  Liibaan Cabdi Aadan halka Taliyaha Ciidamada loo dhiibay Macalin bashiir Macalin Cali.

Sheekh Yuusuf Kaba-kutukade oo ah mas’uulka dhawaan wakiilka Gobolka Gal-gaduud loo magacaabay ayaa goobtaasi  ka hadlay waxa uuna kula dardaarmay xubnihii maamulka cusub in ay waajibka saaran ka soo baxaan.

Maamulkaan ayaa qeyb ka ah maamulo kooxda  Al-shabaab inta badan u sameeyeen gobolada Koonfureed ee dalka Soomaaliya qayba kamid ah hasayyeeshee arintaan ayaa walaac ku abuurtay dad badan oo goobahaa ay ka taliyaan kuu nool  kuwaasi oo ay gacanta ku hayaan intooda badan.

_____

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: