Calendar

kumanaan arday oo u fariisatey imtaxaan deeq waxbarasho degaanada Puntland 118 ardey qura oo ku gulestay in loo qaadi doono dalka Turkiya.

Imtixaanka oo kumanaani u fariisatey ayaa Puntland waxaa kaga soo beegmay 118 ardey oo isugu jira wiilal iyo gabdho Imtaxaanka ayaa qaadayay laba macalamiin oo ka socda dalka Turkiya waxaana loo tartamaayay herka dugsiga sare iyo jaamacado.

Ugu horey waxaa saxaafada u sharaxay qabkii imtaxaanka loo qaaday iyo goobaha lugu qabtay imtaxaanka sida uu shaaciyey agaasimaha daladaha waxbarashada gaarka ah Ismacil Maxamed.

Agaasimaha ayaa shaca ka qaaday in ardayda ku guuleysatay imtaxaanka deeqda waxbarasho ay u duuli doonaan dalka Turkiya 28-ka bishan Sepember –aan ku guda jirno .

Wasiirka waxbarashada Puntland Cabdi Siciid Faarax Juxa o gabagabadii kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay maanta tahay maalin  farxada badan iyadoo uu ku micneeyey maadaama tiro intaasi dhan oo ardey reer Puntland ahi u suurtagshey inay heelaan deeq waxbarasho dalka Turkiga,

Cabdi saciid wasiirka waxbarashada ayaa mahad naq u jeediyay masuulinta imtaxaanka qadayay iyo shacabka Turkiga gar ahaan dowladda dalkaasi oo sheegay iney marwaliba garab taagayihiin walaalahooda soomaaliyeed .

Dugsiga sare ee Gambool Garowe waxa imtixaanka deeqda waxbarasho u fariistey  ku dhowaad 4-kun oo ardey kuwaasi oo ka kala yimid gobolada Puntland ee sideeda gobal ee hostagta magaalada garoowe ee caaisimada puntland waxaa imtaxaanka qaadayay labo macalin oo ka socdey dalka Turkiga.

deeq waxbarasho 1

deeq waxbarasho 2

Deeq 3

xafiiska wararka bartamaha muqdisho

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: