Calendar

Larry King:- Boqorka Waraysiga iyo Su’aalaha Jilicsan.!

Larry King iyo Barnaamijkiisii Larry King Live

Larry King iyo Barnaamijkiisii Larry King Live

Daadihiyihii Barnaamij-kii Larry King Live ee ka bixi jiray TV-ga caanka ah ee CNN ee dalka Mareekanka, Lawrence Harvey balse ku magac dheer Larry King ayaa shaaca ka qaaday June 29, 2010 in uu shaqada warbaahinta ama wariyenimo isaga tagi doono iyadoo Barnaamijka uu daadihiyo ee Larry King Live uu December 16, 2010 qeybtii ugu danbeesay ka sii daayay TV-ga CNN isla markaana uu si toos ah shaqada Warbaahineed oo uu 50 Sano ku soo dhax jiray uu kaga fadhiistay.
Tabinta Barnaamijka Larry King Live ayaa biloowday sanadkii 1985, iyadoo Barnaamijkan ay daawan jireen in ka badan 1 Million oo qofoood waana Barnaamijyada loogu daawasho badanyahay dalka Mareekanka iyo Dinida inteeda kalle iyadoo ku dhawaad 2.2 Million qofood ay daawadeen markii uu Barnaamijkiisii ugu danbeeyay ee Larry King Live uu ka sii daayay TV-ga CNN.
Barnaamijkan Larry King Live ayaa laga soo tabin jiray Xarumaha TV-ga CNN ee Magaalooyinka Los Angeles, New York iyo Washington DC, Larry King ayaa ku caanbaxay Su’aalaha jilicsan ee uu waydiiyo qofka martida u ah ama uu wareesanayo waana arrinta keentay in uu noqdo shaqsi caan ah oo ay Barnaamijkiisa dad badani ay jecelyihiin in ay daawadaan.

Wariye Piers Morgan iyo Wariye Larry King...

Wariye Piers Morgan iyo Wariye Larry King...

Larry King waxyaabaha uu ku caanbaxay waxaa ka mid ah qofka martida u ah wuxuu siiyaa fursad uu kula hadlo karo dadwaynaha daafaha dunida joogo iyadoo qofka uu waraysano uu fursad u siiyo in uu hadalkiisa dhameesto.
Barnaamijka Larry King live ee ka bixi jiray TV-ga CNN ayaa booskiisa lagu badli doonaa Barnaamij loogu magac daray Piers Morgan Tonight, waxaa Barnaamijkan daadihin doono Piers Morgan oo ah wariye u dhashay dalka Britain.
Guinness Book of World Records ayaa Barnaamijka Larry King Live iyo Daadihiya Barnaamijka u aqoonsatay Barnaamij Taariikh-da galay sababtuna waa Barnaamij 25 sano hal magac iyo hal shaqsi oo soo saare iyo daadihiye ka yahay/ahaa.
Barnaamijka Larry King waa Talk Show iyadoo inta badan Talk Show uu yahay Barnaamij ka baxay TV, Barnaamijka Larry King Live ayaa ah Barnaamijkii ugu horeeyay ee Talk Show ah ee telephone ay dadwaynaha ka qeyn qaadan karaa si toos ah iyadoo inta badan qofka qadka telephone-ka ka soo gala ee donaya in uu Su’aal waydiiyo qofta Marida barnaamijka ka ah uusan Magaciisa sheekeen balse meesha uu ka soo hadlayo ama uu joogo ayuu sheegayaa.

Waa kuma Larry King?

Taariikhda Larry King intaas laguma soo koobi karo balse waa waxyaabah ugu muhiimsan ee Larry King lagu xuusan doono ayaan waxyar ka oran doonaa.
Lawrence Harvey balse ku magac dheer Larry King waxa uu ku dhashay deegaanka Brooklyn ee ka tirsan Magaaladda New York City dalka Mareekanka sadadkii 1933 waana Wariye can ka ah Dunida oo dhan gaar ahaan dalka Mareekanka.
Balse arrinta la yaabka leh waxa ay tahay Larry King wuxuu ka soo jeedaa Famil Yuhuud ah asal ahaan ka yimid dalka Ruush-ka, balse isagu waxa uu ka tirsan yahay “Agnosticism” oo ah koox aaminsan in aan la xaqiijin Karin jiritaanke Eebe, Subxanalaah…!
Marka laga soo tago in uu Yuhuud yahyay isla markaana uu aamisanyahay in shaki ku jiro Jiritaanke Alle “Subxaanalah” ayaa Larry King waxa uu daadihiye ka ahaa Barnaamijkiisa Larry King Live ee ka bixin jiray TV-ga CNN 25 sano ee ugu danbeeysay iyadoo uu ku wareestay Barnaamijkiisa in ka badan 50,000 Kon tun kun oo qofood mudadaadii 25-ka Sano.
Ka hor inta uusan ku soo biirin shaqada Warbaahinta Larry King waxa uu ka shaqeyn jiray shaqooyin caadi ah balse wuxuu saxaafadda ku soo biiray markii uu ka shaqo bilaabay Radio ku yaala magaaladda Xeebta ah ee Miami gobalka Florida wadanka Mareekanka.
Larry King ayaa dhanka kalle caan ku ah in uu 8 mar guursaday 7 Dumar ah balse xaaska hadda u dhaxda ayuu guursaday 2 Mar midaas ayaa ka dhigeeysa in uu 7 Dumar ah guursaday 8 mar wuxuuna heestaa 2 caruur ah.
Larry King waxa uu qabaa Wadno xanuun keentay in marar badan Hospital la seexiyay qaliina lagu sameeyay, wadna xanuunka haya Larry King waxaa ku baqtiyay aabihiis.
Larry King wuxuu qoray Bugaag dhowr ah oo uu ugu caansanyahan labada buug ee kala ah “My remarkable Journey” iyo Buga la yiraahdo “How to talk to anyone, anytime, anywhere: the secrets of good communication”

Shaqiysaadkii ugu Muhiimsanaa ee uu wareestay Larry King.!
ku dhawaad 50,000 waraysi ayuu Larry King sameeyay intii uu waday Barnaamijkisii Larry King Live dabcan dhamaantood lama xusi karo balse kuwiii ugu Muhiimsanaa hal iyo labo waxaa ka mid ah.

Larry King Marka uu qof wareesanayo inta badan Gacanta Midig ayuu garrka saartaa!

Larry King Marka uu qof wareesanayo inta badan Gacanta Midig ayuu garrka saartaa!

1-Doodii dhax martay Ross Perot iyo Al Gore, Ross Perot waa Ganacsade balse sanadihii 1992 iyo 1996 u tartamay jagada Madaxtinimada ee dalka Mareekanka waana mid ka mid ah dadka ugu hantida badan dalka Mareekanka, Al Gore waxa uu Madaxwaye ku xigeen dalka Mareekanka ka soo ahaa intii u dhaxeesay 1993-2001 xilligaasi uu dalka Mareekanka uu Madaxwayne ka ahaa Bill Clinton.. balse dooda dhax martay labadan nin ayaa aheyd mid xiiso gaar ah laheyd iyadoo markii ugu horeesay ee is dhinac fadhiistaan labo shaqo oo Madaxtimo ku tartameeysa.

2-Sanadkii 2008 wuxuu waraysi xiiso badan la yeeshay Madaxwaynaha dalka Iran Mudane Mahmoud Ahmadinejad oo booqasho ku joogay xilligaas magaaladda New York oo uu ka socday shirkii Qaramadda Midoobay balse waraysigaas ayay dad badi ku tilmaameen in uu fursad u helay in uu ka kulmo Madaxwayne Mahmoud Ahmadinejad oo uusan la kulmi Karin Madaxwaynaha dalka Mareekanka ee xilligaas G.W. Bush.

3-Waraysi uu la yeeshay Madaxwaynihii hore ee dalka Russia Mudane Putin balse hadda ah Ra’iisul Wasaaraha dalka Russia.

In ka badan 50,000 Konton Kun oo waraysi ayuu sameeyay haddii aad internet-ka ka raadiso waxad ka haleeysaa kuwo aad u fara badan, Larry King intii uu shaqada Warbaahinta ku jiray waxaa u suura gashay in uu wareesto qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Dhan kalle Larry King wuxuu wareestay Madaxweenayaal ka arrimiyay dalka Mareekanka Sida, George H. W Bush iyo wiilkiisa George W. Bush, Bil Cillinton iyo Madaxwaynaha hadda ee dalka Mareekanka Barack Obama iyo madax kalle kalle oo dalkaasi xilal sare ka soo qabtay, inkastoo Bill Cilinton uu 29 mar ka soo hor muuqday Barnaamijka Larry King Live oo ay ugu danbeeysay barnaamijkiii ugu danbeeyay ee Larry King oo uu Madaxwayne Obama iyo Bill Clinton ay ka qeyb qaateen labaduba.
Waxaan ka mid ahay dadka ku taxnaa Barnaamijkii Larry King Live, waana u xiisi doonaa Su’aalaha iyo sida dagan ee uu barnaamijka u soo tabin jiray Larry King intuu uu shaqada Warbahinta ku jiray.

Salama
Ibraahim Da’ud Abdalle “Gentleman”
[email protected]
Facebook:- Sayfudiin Abdalle
Kuala Lumpur, Malaysia

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, Madadaalo | Entertainment, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: