Calendar

Maamulka Islaamiga ee Kismaayo oo Mar Kale Qubuuro Burburiyay

kismaayo Dhowr iyo toban Qabri oo ku yaalay deegaanka Kamsuuma ayaa maamulka islaamiga ah ee Jubbadda Hoose ay maanta oo Talaada ah burburiyeen, waxaanay ku tilmaameen in ay ahaayeen Qubuuro la caabudo oo si diinta ka baxsan loo siyaarto.

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.


Sheekh Saacid Cabdulaahi oo ah madaxa u qaabilsan maamulka islaamiga ah arrimaha Qubuuro Burburinta ayaa VOA u sheegay in qubuurahan uu ku aasnaa sida uu sheegay nin uu ku tilmaamay inaanu Saaladda Tukan oo ay dadku Caabudaan, ninkaasi oo lagu magacaabi jiray Sheekh Nuur Yarow iyo qaar ka mid ah Muriidiintiisa .

Qubuurahan la burburiyay ayaa halkaasi ka dhisnaa muddo Qarni ku dhow, waxaana uu maamulka Islaamiga ah ku eedeeyay dadka qubuurahaasi siyaarta in ay caabudaan oo ay u gugurtaan iyaga oo waydiista in muraadkooda loo sahlo.

Waa markii sadexaad ee maamulka islaamiga ah ee Jubbada Hoose uu burburiyo qubuuru ku yaalla gobolkaasi.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: