read more »">
Calendar

Madaxda Dowladda KMG ah Soomaaliya oo hambalyo U diray Shacabka Muqdisho Iyo Muqdisho oo ay dowladda gacanta ku heyso

Shariif_iyo_Cabdiweli_992774612(Muqdisho www.Bartamaha.com:-) Waxa goor dhaweed Xarurta Madaxtooyadda Villa Soomaaliya shirjaraa’id ku qabtay Madaxweynaha DKMG ah Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisal wasaaraha XKMG ah Mudane Dr, Cabdi Wali Max’ed Cali “Gaas”

Shirka Jaraa’id ee masuuliyiinta dowladda ay ku qabteen magaaladda muqdisho waxa ay kaga hadleen arrimo badan.

Ugu horren waxa hadalka qaatay madaxweyne Shariif Sheekh Axmed waxana ugu horren ugu hambalyeeyay bulshadda muqdisho in maanta ay u tahay maalin farxad leh ka dib markii ay gabi ahaan magaaladda muqdisho ay faaruqiyen al-shabaab.

Madaxweynaha waxa uu yiri” Waa illah mahadii haddii maanta aysan joogin kooxigii qaswadayaasha ee nabadda u diiday magaaladda muqdisho”

Madaweynaha ayaa siddoo kale ka hadlay falkii shaley ka dhacey xeradda badbaado

Madaxweynaha ayaa tilmaamay sidda ay uga xunyihiin falkii nexdinta ahaa ee ka dhacay xeradda barakacayaasha ay ku nool yihiin ee badbaado ee magaaladda muqdisho oo lagu dilay 10-qof oo ahaa dad barakacayaal ah oo ka soo cararay abaaraha ka jira soomaaliya.

Waxa dadkaas toogtay dableey ku la bisan dharka ciidamadda dowladda oo boob iyo toogasho ka geestay xeradda gudaheeda.

Waxa uu sheegay madaxweyaha in kooxihii shaley falkaasi geestay aan laga hari doonin. oo cadaaladda la hor keeni doono.

dhinaca kale ra’iisal wasaare Cabdi wali ayaa sheegay maanta in ay sharaf u tahay ka dib markii uu yiri ciidamadda dowladda iyo kuwa AMISOM waxa ay maanta gacanta ku hayaan magaaladda muqdisho.

Ra’iisal wasaaraha ayaa ugu baaqay shacabka in aysan ku qamaamin meelihii ay ka baxeen Al-Shabaab oo hadda halkaas ay ka socoto baaritaano si loogu duugay miino iyo walxaha qarxa.

Ra’iisal wasaaraha ayaa tilmaamay in wixii shaley ka dhacay xeradda badbaado aysan soo laaban doonin waxa uu intaa ku daray in gudi soo baara loo magacaabay.wixii shaley dhacay, waxa kaloo uu sheegay in cadaaladda la horkeeni doono kooxihii shaley ka dambeeyay dadkii la dilay iyo kuwii la dhacay.

Ugu dambeentii waxa uu hambalyo u diray ciidamadda qalabka sidda dowladda KMG ah Soomaaliya.

W/D: Xafiiska Wararka www.Bartamaha.com Muqdisho Soomaaliya 

Warar iyo Warbixino lagu kal soonyahay ka dalaaco bartmaha .com

 

www.Bartamaha.com Isha wararka gudaha iyo dibadda

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: