Calendar

Madaxweyne Gaas oo kaqaybgalay Aaska Wasiirki hore ee Warfaafinta

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Galinkii Dambe ee manta ka qayb galay Aaas Qaran oo loo sameeyay Marxuum Abwaan Axmed Shiikh Jaamc oo ahaa Wasiirki Hore ee Warfaafinta Puntland kuna geeryooday Magaalada Garoowe.

Aaska loo sameeyay Marxuumka ayaa waxaa ka qayb galay Madaxwayne Ku Xigeenka Dowladda Puntlandn Cabdixakiin Camay,Wasiiro katirsan Xukuumada Puntland,Waxgarad,oday dhaqmeed iyo Dadweyne kale .

Madaxwayne Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo Hadal kooban jeediyay kadib markii salaada jinaasada lagu tukaday Marxuumka ayaa Eheladii,asxaabti iyo shicib waynaha Puntland uga Tacsiyeeyay Geerida Marxuumka isagoona alle uga baryay in janadii fardowsa uu kawaraabiyo qabrigana u waasicyo Samir iyo iimaan Buuxana kasiiyo dadkii uu ka tagay.

‘’Waxaan halkaan Tacsi uga diraya Umadda Reer Puntland meelkasta oo ay joogaan guud ahaan umadda Soomaaliyed waxana uga tacsiyaynaya Geerida naxdinta leh ee ku timid Wasiirki Hore ee Warfaafinta Puntland Abwaan Axmed Shiikh Jaaamac’’Sidaasi waxaa yiri Madaxwayne Gaas.

INAA LILAAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta,Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

IMG_1645 IMG_1648 IMG_1654 IMG_1657 IMG_1661 IMG_1668 IMG_1672 IMG_1684 IMG_1689

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: