Calendar

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo U Anbabaxay Magaalada Kampala

Madaxweynaha dalka Somaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u anbabaxay Magaalada Kampala ee dalka Ugandha.
Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka qaybgali doono 50-sano guuradii kasoo wareegatay markii dalka Ugandha ay qaateen xurnimada.

Madaxweynaha oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in safarkiisa uu ku tagayo Magaalada Kampala ee dalka Ugandha ay tahay inuu ka qeybgalo 50-sano guuradii kasoo wareegatay markii dalka Ugandha ay qaateen xurnimada.

Sidoo kale wuxuu sheegay in halkaasi uu kulan gaar ah kula yeelan doono madaxweynaha wadanka Uganda isla markaana ay ka soo wada hadli doonaan arimo badan.

Safarka Madaxweynaha uu maanta uga ambabaxay magaalada Muqdisho ee uu ku aadan dalka Ugandha ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horeeyay ee uu ku aado dalka dibadiisa tan iyo markii lasoo doortay.

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: