Calendar

Magaaladda Nairobi oo si weyn looga xusay Dhalashada Nabigeena Muxamad CSW (Daawo Sawirada).

Xuska_Mowliidka_Nairobi_13

Bartamaha (Nairobi):- Munaasabad lagu weyneynayay xuska dhalasha nabigeena (SCW) oo shalay lagu qabtay xaafada Islii ee magaalada Nairobi ayaa waxaa ka qaybgalay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Nairobi, waxaana ahayd tii ugu ballaarnayd ee la dhigo marka loo fiiriyo sannadihii lasoo dhaafay.
Dadka munaasada soo xaadiray ayaa lagu qiyaasay 4,000-qof kuwaasoo socod ka soo billaabay masaajidyada 13-street, Al-xaq Blaza iyo masjidka 3-street, waxaana dadka ugu dambeyn ay isugu soo aruureen xarunta dugsiga hoose dhexe ee Islii.
Munaasabadda oo qabanqabadeeda uu gacan ka geystay ururka dhalinyarada SYAO (Somali Youth Advocacy Organization) ayaa dadkii ka qaybgalay waxaa ku jiray culummo ka socotay Ahlusunna Waljamaaca oo uu ka mid ahaa guddoomiyaha golaha fulinta Sheekh Maxamed Yusuf Xeefow, Sheekh Cismaan Xiddig, madaxa arrimaha gudaha maamulka Gobollada dhexe C/weli Xasan, xildhibaanno ka tirsan barlamaanka Soomaaliya, haween, aqoonyahanno iyo dadweyne kale.

Halkan ka daawo Sawiro dheeraad ah.

ahlusunna6

ahlusunna9

ahlusunna10

ahlusunna3

ahlusunna4


Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, Photos, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: