read more »">
Calendar

Masaafurinta Cumar Axmed (CANADA) oo Canadian Somali Congress ay ka hadashay – VIDEO

cscMasaafurinta  Cumar Axmed oo beryahan dambe soo socotay ayaa maraysa lugteedii ugu dambaysay, (Cumar ayaa kusii socda magaalada Xamar) iyadoo laga hadlayay in Cumar dib loogu celiyo Xamar iyo in Boosaaso laga dejiyo maadaama dowladda Kanada ay go’aansatay in wadanka laga masaafuriyo Cumar iyadoo sababtu ay ahayd dambiyo uu galay Cumar.

Canadian Somali Congress ayaa u warantay CBC TV, CSC ayaa mar walba u dooda xuquuqda Soomaalida Kanada ku nool.

aabaha

Cabdi Farax, Wiilkiisa Cumar Axmed ayaa laga musaafurinayaa dalka Kanada

Dowladda Kanada ayaa howlaha Masaafurinta ku wareejisa dad u dhashay dalka Kenya iyadoo dadka la masaafuriyo loola dhaqmo si aan bini aadanimada ka baxsan, dadkaas oo aan lahayn wax u dooda iyo xuquuq ay leeyihiin. Somaliland iyo Puntland ayaa diiday inay qaabilaan dadka laga soo masaafuriyo Kanada taasina waxay sababtay in qofkii lasoo masaafuriyo loo gudbiyo magaalada Xamar oo dagaalo ay ka socdaan.

Daawo: (Video-ga wuxuu bilaabanayaa 0:45 )

Comments

comments

Category : Canada [Diaspora], VIDEOS, Wararka Maanta.
« »

Comment: