Calendar

Maxkamad ku taalla dalka Kenya oo isbadal ku samaysay xukuno hore oo ku dhacay burcad-badeed Soomaliyeed

340585-01-0211 qof oo lagu eedeeyay inay yihiin burcad-badeed oou dhashay  Soomaaliya ayaa xukunkooda oo ahaa 20 sano loogu badalay 5 sano, kadib markii qaadiga maxkada sare ee magaalada Mombasa xukunkaas hore uu ku tilmaamay inuu ahaa mid culus.

Garsooraha maxkamada Martin Muya ayaa sheegay in raggan dambiga lagu helay inuu yahay weerar inay ku qaadeen markab marayay badda Hindiya sannadkii 2009-ka, waxayna xiranyihiin muddo saddex sano ah taasoo ka dhigaysa xukunkii hore ee labaatanka sano ahaa mid daran.


Ragga xukunka lagu riday ayaa maxkamadu ay ku sheegtay magacyadooda:  Axmed Cabdiqaadir Xirsi, Cbdiraxiim Salaad Rooble, Cabdullaahi Yuusuf, Maxamed Cabdullaahi, Maxamuud Jaamac, Cabdi Daahir Axmed, Axmed Macallim Cumar, Axmed Xassan cadow, Axmed Maxamed Cisman, Abshir Axmed Xassan iyo Cumar Ibraahim Jimcaale. Raggan ayaa loo haystaa inay weerareen markabka MV FNS Nivose taariikhdu markay ahayd May 3, 2009.  Xaakimka ayaa ku eedeeyay garsoorahii hore ee xukumay in xukunnada uu ku riday ay ahaayeen kuwo culus oo uusan tixgalin in raggaani ay tahay markii ugu horraysay oo ay dambi galaan.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: