Calendar

Maxkamadada gobalka banaadir oo xukunno kala duwan ku riday ku dhawaad 20 qof oo danbiyo lugu soo edeeyay..

max 2

Dadkaani oo ku eedeeysnaa dambiyo kala duwan ayaa maanta maxkamada gobalka banaadir Ee Dowlada KMG waxaay maalintii labaad u fadhiisatay qaadista dambiyada  ay ku eedeeysnaayeen Kuwaa isugu jira dambiyo culus iyo kuwa fudud .iyadoona xukuntay inta badan dadkaasi qaarna Ay dib xuriyadooda u heleen ka dib markii lugo waayay wax dambi ah

Dambiyada dadkani loo haystay ayaa waxaa ka mid ahaa dhalanyaro ku eedeeysneed in ay falal Amni dara ah ka wadeyn magaalada muqdisho gaar ahaan goobah ay ka arimiso dowlada kmg.

Godoomiyaha maxkada goblka banaadir Dr.xaashi cilmi nuur oo saxaafada lahadlaayay ayaa Sheegay in dhalanyaradani la xukumay ay  ku eedeysnaa ku  lug Lahaansho falal ka dhan ah Amaanka ayna ku xukuntay min 6 bilood oo xarag ah ka dib markii ay soo laalaabatay qaadista Dacwada loo ahaysta oo ay maalintii labaad maanta u fariisteyn gar yaqaanada maxkamada Gobalka banaadir;waxaana uu faafaahiyay qaabka lugo soo qabtay dhalanyartaasi isagoona uu Shegay in ay horay gacanta ugo dhigeen ciidanka booliska dowlada

Maxkamada goblka banaadir ayaa bilooyinkii ugu dambeeyay waday  howlo la xiriira dhinac Garsooska iyadoon dhawaan xukun xarag dheer ah ku riday ilaa iyo 6 qof oo ajanibi ah kuwaasi oo Lasheegay in ay lacag sharci dara ah u wadeyn burcad badeed ah wasida ay shegteyn iney u Socdeyn madax furasho markab laga soo afduubtay bilowyin ka hor hasayeeshee ciidmada Amaanka dowlada  kmg gar ahaan ilaadad garoonka diyaarada aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

 

Xafiiska wararka bartamaha: muqdisho

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: