Calendar

Ururka HIRDA Ayaa Tababar Soconaya Mudo Shan Maalmood ah Uga Furay Macalimiin Wax Ka Dhiga Dugsiyada Kala Duwan Ee Magaalada Muqdisho

Hirda_Tababar_Macalimiin_Muq_1Ururka HIRDA ayaa tababar siminaar ah oo soconaya mudo  shan cisho ah u furay afartan (40) macalin oo kamid ah macalimiinta wax ka dhiga dugsiyada kala duwan ee magaalada muqdisho kuwaasoo ay kobcinaysay dhinaca garaadka iyo waxbarista ardayda kala duwan gobolka banaadir.

Waxkiilka Ururka HIRDA ee magaalada Muqdisho  cabdi daahir aadan diiriye oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay inay siminaarkan tababarka ah ee ay u fureen macalimiinta wax ka dhiga dugsiyada kala duwan ee magaalada muqdisho ay doonayaan inay ka kobciyaan dhinaca kobcinta waxbarshada iyo garaadka macalimiinta si loo helo macalimiin u tababaran waxbarsita ardayda.

Hirda_Tababar_Macalimiin_Muq_3

Sidoo kale cabdi daahir aadan diiriye ayaa intaasi ku daray in ururka HIRDA oo ku caanbaxay dhinaca waxbarashada ,caafimaadka iyo horumarinta bulshada uu hore wax uga soo shaqeeyey gobolada kala duwan ee ay kamid yihiin jubada hoose ,bay ,Gedo,galguduud iyo waqooyi gelbeed Somaliland iminkana ay ku talo jiraan ay wax ka qabtaan dhinaca horumarinta bulshada waxbarashada ,caafimaadka ,horumarinta haweenka iyo sportiga ee magaalada muqdisho oo ka bilaabeen tababarkan macalimiinta ah oo socon doona mudo shan cisho ah imikana galay maalintiisii sadexaad.

Ururka HIRDA ayaa la aas aasay sanadkii 1998-dii kaasoo ay hal abuureen dad aqoon yahano somali ah oo dalka dibadiisa wax kusoo bartay islamarkaana wax weyn ka qabtay dhinaca horumarinta haweenka ,caafimaadka iyo weliba kobcinta waxbarashada.

Hirda_Tababar_Macalimiin_Muq_4

Hirda_Tababar_Macalimiin_Muq_5

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

Muqdisho-Somalia
Tel:0025261-5573321
00252699995088

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: