Calendar

Muqdisho oo saaka Dagan iyo duqeyn qasaara dhalisay oo shalay galab kla dhacday.

magaaladaaBartamaha(Muqdisho):-Magalada Muqdisho ayaa saaka dagan ka dib Qaraxyo iyo Madaafiic aar gudasha ah oo shalay galabtii ka dhacay Magaalada.

Shalay gabal dhicii ayaa qaraxyo lala beegsaday Ciidamada Amisom kuwaasi oo qasaara uu ka soo gaaray qaraxyada oo lagula eegtay Degmada Xamar Jajab.

Madaafiic u muuqday kuwa looga aarsanayo Islamaiyiinta oo qaraxyada masuul ka ahaa ayaa waxa ay ku dheceen deegaanada ay maamulaan ee Muqdisho.

Ciidanka Amisom ayaa la sheegay in qaraxa uu kaga burburay gaari ay wateen iyadoo askar 4-askari ah ay kaga dhinteen wallow ay ka gaabsadeen saraakiisha amisom jirintaanka qasaaraha gaaray.

Markii qaraxaasi lala beegsaday ayay bilaaben Amisom in ay garaacaan Xarumaha ay leeyihiin Alshabaab oo ku yaala Degmooyinka Muqdisho.

Xaafadaha Suuqa Xoolaha,Bakaaraha,Dayniile iyo Stadiom Muqdisho ayay garaaceen AMisom halkaasi oo ay ku badanyihiin Xoogaga Islaamiga ah iyo dad shacab ah.

In ka badan 20-ruux ayaa dhimatay 30-kalana dhaawac ahaan ayaa loo dhigay Isbitaalada Magaalada markii madaafdiicda ay ku dheceen gobo shacabka ay ku badanyihiin.

Amisom ayaa waxa ay madaafiic ku garaacaan goobaha shacabka iyo saldhigyada Mucaaradka xiliga la qarxiyo ama dhibata ay ka soo gaarto dagaalada lagu qaado saldhigyada ay maamulaan.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: