Calendar

Nabadoon Xuseen Cali Dude oo Kooxo Hubeesan Ku Toogteen Gobolka Mudug

bastooladMudug/Bartamaha: Kooxo Hubeysan aya Xalay Toogtay Allaha  unaxariistee  Nabadoon Xuseen Cali Dude oo ku suganaa Gobolka Mudug Ee Xarunta Kaalkacyo.

Warar hoose Ee heshay www.Bartamaha.com ayaa tibaaxaya in Nabdoonka ay toogteen Kooxo Hubeysan aan heebteoda laga granayn xilli nabdoonakauu kaso baxayay Masaajidka lagu magacaabo  Ramdaan oo ku yaala Xaafada Garsoor Ee Magaalada Kaalkacyo.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ee ka soo baxay Galkacyo ayaa sheegay in Nabadoonka ay dileen Kooxo aan lagaranayn Heebtooda iyadoo Shacabka Reer Mudug ee ka naxaeen markii la xaqiijiyay Dilka Nabadoonka.

Nabadonka geeriyoodaya aya ka mid ahaa dadka u ololeeyo Nabadda iyo amaanka Goolka Mudug Ee Magaalada Kaalkacyo, Toogashada Marxumka kadib wali wax war ah kama soo bxin Madaxda ugu sarayso Gobolka Mudug Ee Magaalaad Kaalkacyo.

Dadka ku dhaqan Gobolka Mudug Ee Xarunta Kalkacyo ayaa saakay ku waabariistay naxdin iyagoo is weediinaya cidda dishay Nabadoonka iyao sababihii loo dilay.

www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: