Calendar

Dowladda FKMG oo balan qaady in wax ka qaban doonaan Ciidmada Dhibaatada u geysta Shacabka

6301Mugadisho/Bartamaha:Saraakiisha Dowladda FKMG Soomaaliya ayaa markale ku celisay inay wax ka qaban doonaan Ciidamada dowlada kuwa dhibaatada Shacabka u geysta.

Wararka kasoo baxaya  Gudiga amniga baarlamaanka dowladda KMG ayaa balan qaaday in ciqaab adag ay marsiin doonaan Askarigii lagu arkaa isagoo wax anshaxa Dowladda ka baxsan kula kacaa Shacabka ku dhaqan Mugadisho iyo Gobolaad ay ka taliyaan.

Gudoomiyaah gudiga Barlamaanka Xildhibaan Xuseen Caraale ayaa sheegay inay dabal gal xoogan ku hayaan Ciidamda Dowlada kuwa ku kaca Falalka aysna marna raaliga ka noqon doonin Dowladda, ayaa laga soo xigtay Xildhibaan Caraale.

“Sharciga ayaa soo taageynaa Ciidamadii aan ku aragnaa iyagoo Shacabka dhibaateenaya ama iyaga dhexdooda si qalad ah isku rasaaseeya” ayuu yiri Xilidhbaan Caraale.

Sdioo kale Gudoomiyaha gudidga Barlamaanka Xildhibaan Xuseen Caraale ayaa soo hadal qaaday in Shacabka Dhibaato ay la kulmaan maalin walba iyadoo laga xoogo Raashinka lagu gargaaray taasna uma dulqaadna karno in shacbka laga xoogo Mucaawinada loo keeno ayuu hadalkisa sii raaciye Gudoomiyaha gudiga Aminiga Dowladda FKMG Soomaaliya.

“Waxaa dhamaaday in shacabka laga horistaago mucaawinada loogu tala galay, wixii hadda ka dambeeyana wax ka qabasho dhibaatooyinkaas ayaan ku jirnaa,” ayuu yiri Xildhibaan Caraale.

Ma ahan markii ugu horaysay Ee Saraakiisha iyo Hay’adaha balan qaadaan in Ciidmada Dowladda kuwa dhibatada u geysta Shacabka ka qaban doonaan islamarkaan ay sharciga la tiigsan doonaan Askarigii i lagu arkaa falal anshax xumo ah.

www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: