read more »">
Calendar

Qarax ismiidaamin ahaa oo galabta ka dhacay magaalada Kismaayo

Kismaayo wararkaKismaayo (BARTAMAHA) Lix qof ayaa ku dhimatay, afar kalena way ku dhaawacmeen, qarax ismiidaamin ahaa oo galabta ka dhacay magaalada Kismaayo oo saldhig u ah maamulka Jubba.

Waxaa la sheegay ruux naftii hure ah inuu isku qarxiyay guri uu daganaa Siyaasi Iftiin Xasan Baasto oo kamid ah saraakiisha maamulka Jubba ee hogaamineeysa howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda gobolka J/hoose.

Wiil uu dhalay Iftiin Xasan Baasto, saddex ka tirsaneyd ilaaladiisa iyo laba qof oo rayid ahaa ayaa ku dhintay weerarka.

Iftiin Xasan Baasto ayaa sheegay inuu gurigiisa ku sugnaa markii uu weerarka dhacayay, uuna kabadbaaday.

‘Qaraxa waxaa uu ahaa mid uu fuliyey ruux naftii hure ah balse waxaa ka hortageen ciidamo ka tirsan ilaaladeyda’ ayuu yiri Iftiin Xasan Baasto oo saxaafadda la hadlay.

Dadka ku dhaawacmay qaraxa ayaa la dhigay isbitaalka magaaladda Kismaayo, waxaana dhici karta inay kororto khasaaraha ka dhashay weerarka.

Weerarkan ayaa ku soo aadaya xilli ay socdan dadaallo lugu xaqiijinayo ammaanka,waxaana xusid mudan qaraxyada iyo weerarrada inay ku yar yihiin Kismaayo.

__

Bartamaha

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: