Calendar

“Nidaam Shabaab lagu wiiqo ma jiro” Raiisal Wasaaraha

Ra’iisul wasaaraha Somalia oo sheegay in Ciidanku Hub ku filan haystan lakin uusan jirin nidaam lagu wiiqo Weerarada Al Shabab

Somalia-Army-Militias

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheikh Axmed ayaa ka warbixiyay xaalada amni ee Magaalada Muqdisho iyo Weerarda Joogtadaa ee Al-shabaab ay Magaalada ka wadaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay haysato Hub iyo Ciidan ku filan,laakiin aysan la hayn Qorshe lagu wajaho Dagaalka Al-shabaab Dowladda Soomaaliya ay kula jirto.

Sidoo kale C/Weli Shiik  ayaa Shacabka Soomaaliyeed uu ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Dowladda Gaar ahaan ay Xogsiiyaan laamaha Amaanka Dalka si looga Guuleeysto Al-shabaab.

C/wali ayaa sheegay in Al-shabaab ay Shacab iyo Dowladda ay u siman yihiin oo aysan midna dhaafeyn,sidaa daraadeena ay Dowladda ay Gacan siiyaan Shacabku.

 

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: