Calendar

SAWIRO laga qaaday Wasiirka arimaha Gudaha Somaliya xili uu la hadlayey dibadbaxayaasha,ka hor inta aan la dilin.

cabdishakur_2Allaha u naxariistii Wasiirkii Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka   u dhintay  dhaawac kasoo gaaraya qarax loogu geystay gurigiisa ,kadib markii ay isku qarxisay gabar uu adeer u ahaa  ayaa markii laga soo baxay salaada Jimce waxa uu dadweyne fara badan kula hadlay  Taalladii Sayidka ee magaallada Muqdisho.

Wasiir Abdishakuur ayaa waxa uu dadweynaha ka dalbanayey inay guryahoda ku laabtaan isla markaana ay jojiyaan dhamaan dibad-baxyada keeni kara amaandarada,waxaana uu u balan qaadayey inay si wada jir ah ay ula wada hadli doonaan  golaha wasiirada oo uu horkacayo Raíisul Wasaare Farmaajo. Waxaana uu xiligaasi dadweynaha kala dul hadlayey gaari nooca ciidamda AMISOM ah ,isagoona cod baahiye ku gaarsiinayey fariintiisa ku aadan qaboojinta mudaaharaadyada qabsaday magaallada Muqdisho.

cabdishakur_3cabdishakur_4

Wasiirka  ayaa marka uu la hadlayey dadweynaha waxaa ka hareero muuqday qaarka mid ah howl-wadeenada Xafiiska Raíisul Wasaare Farmaajo. Wasiir Abdishakuur waxaa lagu tiriyaa inuu ka mid kuwa ugu howl-qabad badan wasiirada Xukuumada Farmaajo,waxaana uu had iyo jeer  ka dhex muuqan jiray dhamaan howlaha xukuumada gaar ahaan wasaaradiisa arimaha gudaha iyo Amaanka Qaranka.

Waxaa lagu soo waramayaa inay dowlada iminka wado sidii ay aas Qaran loogu sameyn lahaa wasiir Abdishakuur,iyaddoona la filayo in si weyn amaanka aaskiisa loo adkeeyo,waxaana la ogeyn inay kasoo qeyb geli doonaan Madaxda sida Raíisul Wasaare Farmaajo iyo Madaxweyne Shiikh Shariif oo labadaba iminka joga magaallada muqdisho,maadaama laga yaabo inay meeshaasi bartilmaameed ka dhigtaan kooxda Al-Shabaab oo hadaba sheegtay inay wasiirka dileen.

cabdishakur_1cabdishakur_5

Wixii warar ah ee kusoo kordha dib ayaan idin kasoo gudbin doonaa. insha allaah.

Sayid Ali Mohamed “Caseyr Kabootooy”

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: