read more »">
Calendar

WAR DEG DEG AH: Farmaajo oo ka hadlay dilka Wasiirkiisii Arimaha Gudaha Marxuum Abdishakuur.

farmaajoRa’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abdulahi Farmaajo ayaa ka hadlay geeridii  naxdinta leh ee ku  timid Wasiirkii wasaarada arimaha  Gudaha iyo Amniga Qaranka Somalia Abdishakuur Shiikh Xasan Faarax oo galabta u geeriyooday muqdisho,kadib markii weerar is qarxin ah oo gabar uu adeer u ahaa ku dishay.

Farmaajo  oo geerida kadib la hadlayey idacaada VOA-da  ayaa cambaareyn dusha uga tuuray kooxda Al-Shabaab oo uu ku eedeeyey inay ka danbeeyaan qaraxa lagu dilay wasiirka,isagona sheegay inay taasi muujineyso xumaanta ay Al-Shabaab la maagan yihiin dalka Somaliya,waxaana uu dhinaca kale wasiirka sheegay inay wadaan baaritaan la xiriira qaabka uu u dhacay dilka Wasiirka.

“Allaha u naxariisto Marxuum Abdishakuur  Shiikh Xasan oo maanta gacan ka xaqdaran ay ku dishay muqdisho ayaa waxaan uga tacsiyeynayaa eheladiisa iyo Umadda Somaliyeed ee uu xilka qaran u hayey,waxaana ilaahay uga baryayaa inuu janada ka waraabiyo.”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Farmaajo.

Ra’iisul Wasaare Farmaajo ayaa waxa uu kale uu  ka hadlay tilmaanta laga bixin karo shaqsiyada Wasiirkii la dilay galabta ee Abdishakuur,isagona sheegay inuu ahaa nin qaran iyo wadani dalkiisa u shaqeynayey,waxaana uu dhicana kale intaasi ku daray inuu ka shaqada dowlada daacad u qaban jiray.

Ugu danbeyntii Raíisul Wasaare Farmaajo waxa uu sheegay inay faahfaahin intaasi ka badan ay dib kasoo sheegi doonan,waxaana uu  sheegay inaysan niyad jabineyn qaraxyada lagu hayo madaxda Xukuumadiisa ilaa iyo inta ay ka gaarayaan howsha ay qaranka u hayaan,gabal -gaabkii  maanta ayey aheyd markii weerar is qarxin ah  ay ku dishay wasiirka gabar uu adeer u ahaa,taasi oo la sheegay inay joogta guriga wasiirka,iyaddoo warar iminka soo baxayana ay sheegayaan inuu wasiirka qorsheynayey inuu gabadhaasi u diri rabay waxbarash dibadeed.

Sayid Ali Mohamed “Caseyr Kabootooy”

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: