Calendar

Shabaab oo u dhaartey muwaadiniin Kenyaan ah.

Kadib warbixin Barta Twitterka ay soo dhigeen Al-Shabaab ayaa waxay fariin digniin ah ugu jeediyeen Kenya oo ku aadan in xabsiyada Kenya laga sii daayo dadka lagu haysto falalka la xariira Al-Shabaabnimada.

 

Warbixinta Al-Shabaab ay soo dhigeen boga Twitterka ayaa lagu sheegay in hadii Kenya ay daneyneyso nolosha lahaystayaasheeda ee gacanta ugu jira Al-Shabaab inay sidoo kale ay soo sii daayaan shaqsiyaadka Al-Shabaab lala xariirinayo ee Kenya ay hayso iyadoo waliba la tilmaamay in sii deesmadooda wax sharuud ah ku xirin.
Waxaana shabaab ay Kenya u jeediyeen sharuudaha hoos ku xusan hadii ay doonayaan baa lagu yiri nolosha lahaaystayaashooda.
1: Dowlada Kenya waa inaysiidaysaa dhamaan Maxaabiista Muslimiinta ah ee ay u xir-xireen sababo la xiriira La dagaalanka Islaamka.
2: Dowlada Kenya waa inay xaqiijiyaan in la siidaayo dadka Muslimiinta ah ee ay u gacangeliyeen Dowlada Yugaandha sababo la xiriira Dagaalka ka dhanka ah Islaamka.
3: Sii deynta dadkaas Maxaabiista Muslimiinta ah waa in aysan wax shuruud ah ku xirnaanin isla markaana ay ay noqodaan mid shaacsan oo aan qarsanoonayn.
Al-shabaab ayaa sii daayay muuqaalo ay ka muuqdaan dad Kenyaati ah oo u diriya codsigii ugu danbeeyay dowlada kenya oo ku aadan inay ka bixiyaan gacanta Al-Shabaab.
Ugu danbeyntii Al-Shabaab ayaa ku goodiyay in hadii Kenya ay ka soo jawaabi weyso codsiga Al-Shabaab ka soo baxay la dili doono dadka gacanta Al-shabaab ku jira ee kenya ka soo jeeda.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: