Calendar

Sheekh Max’ed Xuseen Al-qaadi “Saamayn Naguma yeelan cuno qabateeynkii Ee Al-Shaab Saareen Qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Gedo”

Beled-Xaawo bartamahaBelad Xaawo/Bartamaha:Kadib markii maalmihii lasoo dhaafay Kaaxda Al-Shabaab ay Cuno qubateyn saareen Degmooyinka Beladxaawo, Luuq iyo degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo ayaa haddana waxaa ka jawaabay Saraakiisha ugu sarayso Culumda Ahlusunna Waljameeca oo sheegayn in Dwoaldda aysan saamayn cuno qabateeynka ay Shabaab ku soo rogeen qaar ka mid ah Degmooyihka Gedo.

Afhayeenka Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolka Gedo Sheekh Max’ed Xuseen Al-qaadi ayaa sheegay ion dhankooda aysan wax saamayn kala kulmin Cunu qabatayanka ay Al-Shabaab saareen degmooyinkaasi balse ay saamayn ku noqatay Shacabka ku sugan Gobolka Gedo.

“Waxaan si dhaqsi ah ku furan doonaan Degmooyinka ay haatan Shabaabka Cunu qabateynka saareen, Dagaal qorsheeysan ayaa kula wareegi doonaa Goobaha ay Al-Shabaab haatan ka taliyaan” ayaa laga soo xigtay Afhayeenka Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ee Sheekh Max’ed Xuseen Al-qaadi .

Sidoo kale Waxa aka hadlay  Max’ed Cabdi Kaiil oo ah gudoomiyaha dowladda KMG ee gobolka Gedo Cunu qabateynka ay saarene Meleeshiyaadka Shabaab Deegaanada Baladxaawo, Luuq iyo Ceel-waaq ee gobolka Gedo, isagoo ku tilmamay inaysan wax sameyn ah kala kulmin Dowladda isagoo ku nuux nuuxsaday in Dadka danyarta ah Ee kusgan halkaasi ay saamanyn iyo cabasho ka muujieenn falka ay Mucaardaka ku kaceyn.

Degmooyinka Baladxaawo, Luuq iyo Ceel-waaq ee gobolka Gedo oo dowladda KMG ay gacanta ku hayso, waxaa saro u kac saa’id ah laga dareemay qiimaha lakala siisto raashiinka qutul daruuriga ah iyo qiimaha lagu kala iibsado Shidaalka degmooyinkaasi taasi oo wal wal iyo jahwareer ku abuurtay dadkii danyar ahaa ee ku noolaa degmooyinkaasi.

Si kastaba ha ahaatee Cuno qabataynkaani ay Saareen Kooxda AL-Shabaab qaar ka mi ah Degmooyinka Gobolka Gedo, saamaynta ugu balaaran waxay noqotay sicirka Raashiinka iyo Shidaalka oo kor u kacay taasoo dad badan ay ka hadleen.

www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: