read more »">
Calendar

Shirka London oo maanta furmayo

In kabadan 50-da iyo hay’ado caalami ah ayaa iskugu imaanayo London maanta oo Talaado ah, shir caalami ah oo looga hadli doono iney Soomaaliya dib ugu laabato xaaladii adkeed ee ku jirtey 20-kii sano ee lasoo dhaafey.

Ra’isal wasaraha Britain David Cameroon iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-marti galin doono shirka, kaas oo la rajenayo iney kor u qaado xasilooni siyasadeed oo Soomaaliya ka dhalata.

“Shirka Soomaaliya ee London ka dhacayo waxa looga dan leehyahay in lagu dhiira-galiyo xasiloonida iyo hormarkii sanadkii lasoo dhaafey jirtey, la iskuna raaco isku xerka taageradda caalamiga ee dowladda Soomaaliya la siinayo si ay u dhisto xasilooni siyasadeed oo ka imaan karto hormarinta amaanka, Boliska, caadaladda iyo maamulida dhaqaalaha dadweynaha” ayaa lagu yiri war ay soo saartey xafiiska arimaha dibadda ee Britain.

Hay’ado ay ku jiraan, Qaramada Midoobe, Midowga Afrika, Hay;adda lacagta aduunka (IMF) ayaa kamid ah kasoo qeyb galayaasha shirka.

Shirkaan London ka dhacayo waxa u daba socdaa mid horey uga dhacay bishii February ee sanadkii lasoo dhaafay ee 2012 iyo Istanbul oo 4bilood kadib mid kale uu ka dhacay.

“Hadda, waxa aan u gudbaynaa xaalad cusub oo tii hore aan uga soo gudbayno” ayuu u sheegay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Sunday Telegraph. “Qorshayaasheena dhan waxa ay salka ku hayaan in wadanka uga gudbo xaalad deg-deg aheed oo u wareego mid dib usoo kabasho, dib u kabasho-ne uga wareego hormar iyo dib u dhis” ayuu raaciyey.

Ra’isal wasaaraha Ingiriiska Cameroon ayaa sheegayo guulaha ay gaartey dowladda mudadii lasoo dhaafey oo dhan adane ay jirto caqabado horyaalo oo in laga jawaabo u baahan.

“Fariinta ay direyso shirka labaad ee London waa mid cad, Ma ogolaan doono in Soomaaliya ay dib u noqoto. Dadka Soomaalida ayaan ka rabnaa in fursadoodaay qaataan o Mustaqbal cusub ay sameystaan, anagane wan ku taageri doono tilaabo walba oo wadadas u qaadan” ayuu raaciyey David Cameroon.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: