Calendar

Shirkii wada tashiga Arrimaha Soomaaliya oo la soo gaba gabeeyay .

Shirka wada tashiga arimaha soomaaliya ayaa maanta lugu soo gabagabeeyay magaalada muqdisho shirkaasi ayaa soconaayay mudo 3 maalin ah qodobo dhor ah ayaa ka soo baxay oo garaya 4 qodob oo gobtii lugu saxiisay.

Qodobada ay ka mid ahaayeen Ammaanka, Dib u Heshiisiinta, Dastuurka iyo Dowladda wanaaga oo ahaa kuwo afarta gudi ay si weyn uga doodeen,

Madaxweyne Shariif ayaa ka hadlay qodobo dhowr ah sida oo Xaaladaha abaaraha, Amniga iyo sidii Beesha Caalamka ay u dar dar gelin laheyd taageerdeeda Soomaaliya.

Ergeyga Qaramada Midoobey Arrimaha Soomaaliya Agoustine Mahiga ayaa khudbad ka jeediyay, waxaa uu uga mahad celiyay sida ay u dhabar adeegeen ergooyinka shirka ka qeyb galay mudadii saddexda maalmood.

Gabagabadii shirkaasi maanta la soo gaba gabeeyay ayaa dhamaan xubnaha ergooyinka,Wakiilada Beesha Caalamka iyo  Madaxda Dowladda oo shir jaraa’id oo wada jir ah qabtay ayaa sheegay in afar qodob in lisu raacay in la dhaqan giliyo si dagdag ah qodobadaas ayaa ahaa Ammaanka, Dib u Heshiisiinta, Dastuurka iyo Dowlad wanaaga ,

Ugu danbeentii waxaa qalinka lugu xariiqay hishiska afarta qodob dhanka dowladda KMG ayaa waxaa u saxiixay Ra’iisul Wasaaraha, halka Puntland uu u saxiixay Wasiirka Waxbarashada Cabdi Saciid ,  dhanka Ahlusuna ayaa waxaa u saxiixay Khaliif C/qaadir macalin nuur, halka Galmudug uu wasiirka qorsheynta u saxiixay, Qaramada Midoobey ayaa waxaa u saxiixay Mahiga.

Shirkaan maanta lugu soo gabagabeeyay magaalada muqdisho ayaa waxa uu soconaayay mudo 3 maalin ah ujeeda shirkaani la soo gabagabeeyay ayaa ahaa shir wada tashi oo logu tala galay in lugu lafaguro sidii loo dhamestiri lahaa dastuurka qabyada ah iyo tirada barlamaanka loo yareen lahaa oo gaaraya 500 boqol wada shaqeyn buuxda inee yeshaan khilafkana ka fogadaan iyo arimo dhawr ah oo loo soo jeediyay madaxda dowlada iyo maamul gobaledyada dalka .

xafiiska wararka www.bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: