Calendar

Sideey u ciideen Soomaalida ku nool dalka Malaysia.!

tafaf

Bartamaha (Kuala Lumpur, Malaysia):-Dalka Malaysia ayaa si wada jir ah looga ciiday Arbaco 17-Novemeber, 2010 iyadoo go’aan ay Culumada wadanka gaareen lagu cadeeyay in Maalin ay Malaysia dowladdaha Islaam-ka gaar ahaan dalka Sacuudiga ka danbeyn doonto arrimo la xariiro kala horeynta waqtiga.

Dalka Malaya oo ka ah dalalka Islaamka ayaa ku yaal Koonful-Beri qaaradda Asia iyadoo shacabka Soomaaliyeed ee dalka Malaysia ku nool ay dhamaantood si wada jir ah ula ciiday Muslimiinta dalka Malaysia.
Soomaalida dalka Malaysia ayaa intooda badan ku tukada Salaada Ciiida Masjidka weyn ee Jaamacada UIA ee caasimadda dalka Malaysia ee Kuala Lumpur kadibna isugu taga mid ka mid ah howlasha Jaamacadda oo ay Barnaamijyo kala duwan ugu soo bandhigaan ururka Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Malaysia ee marka magaciisa la soo gaabiyo lo yaqaan SSSM.

“Ummadda Soomaaliyeed iyo Guud ahaanba dadk Muslimiinta ah waxaan ugu hanbalyeenayaa farxadda Ciida” Sidaas waxaa yiri Gudoomiyaha Ardayda Soomaaliyeed ee Malaysia SSSM Mudane Abdalle.
Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay Mukhtar Yuusuf Gaafoow oo ah arday darajada Master ka diyaarinaya jaamacadda UIA ee Malaysia oo dadkii goobta isugu yimid ku baraarujiyay Muhiimadda ay leedahay Ciida iyo in dadka Muslim-ka ay xoojiyaan walaaltinimada Islaam-ka.

Dhanka kale intii ay munaasabadaan socotay ayaa waxaa lagu soo bandhigay Muuqaalo Video kana hadlayay wax qabadka ururka ardayda iyo ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka oo dadkii isugu yimid goobta ay aad ula dhaceen.
Dalka Malaysia waxaa ku nool Soomaali fara badan iyadoo Malaysia ay ka midtahay dalalka Fiiso la’aanta lagu soo gali karo Passport-ka Soomaaliga haddii aad isticmaaleyso iyadoo Soomaalida Malaysia joogta ay u badanyihiin arday wax ka barata Jaamacada kala duwan ee dalka Malaysia.

Ibraahim Da’ud Abdalle
[email protected]
Kuala Lumpur, Malaysia.

Sawiro dheeraad ah halkan ka daawo.

Soomaali u dabaal dageeysa farxada Ciida.

Soomaali u dabaal dageeysa farxada Ciida.

100_6766

Qaar ka mid ah ardayda SSSM ee ku sugan Howla Jaamacada UIA ku sugan.

Qaar ka mid ah ardayda SSSM ee ku sugan Howla Jaamacada UIA ku sugan.

Muuqaalka dadkii ka soo qeyb galay xafladdii ay ururka ardayda SSSM soo qaban qaabiyeen!

Muuqaalka dadkii ka soo qeyb galay xafladdii ay ururka ardayda SSSM soo qaban qaabiyeen!


Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, Photos, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: