Calendar

Somaliland oo ka hadashay magacaabista Marwo Fowzia

Maamulka gooni isku taagga ee Somaliland ayaa ka hadlay magacaabista wasiiradda cusub ee arimaha dibadda Soomaaliya oo kazoo jeeda deeganadaas.

Wasiirka arimaha dibadda Somaliland Maxamed Cabdullahi Cumar oo la hadlayay idaacadda Somaliland waxa uu sheegay ineysan waxba ka badalayn go’aankii ay qaatey ee iney ka goostaan Soomaaliya inteeda kale.

Maxamed Cabdullahi ayaa xusay iney dad badan oo deeganadooda kazoo jeeda ay xilal ka doontaan dowladaha laga dhiso Soomaaliya taasna aysen aheen markii ugu horeysay ee dhacdo

Wasiiradda cusub ee arimaha dibadda Soomaaliya Fowzia Xaaji Aadan ayaa sheegtey in Somaliya iyo Somaliland ay u bilabatey wada hadal isla markaane ay tahay in taasi laga miro dhaliyo.

Fowzia ayaa aheed dadka sida waynka saameynta ugu leh deeganadda Somaliland iyadoona horey iskugu soo taagtey xilka madaxtinimada Somaliland balse aysen ku guuleysan.

Wasiiradda cusub Fowzia ayaa sheegtey iney haatan joogto meel ay wax ka qaban karto oo ka sameyn karto isbadalka ay doonayso iney dhacdo.

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: