Calendar

Xukuumadda cusub oo laga soo dhaweyay Muqdisho

Dadweynaha ku nool caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa si diiran usoo dhaweyay magacaabista xukuumadda cusub eek u dhawaqay shalayto Ra’isal wasaaraha dowlada Soomaaliya.

Qeybo kamid ah magalada Muqdisho ayaa wax aka dhacay banaanbaxyo lagu soo dhaweynayay xukuumadda cusub oo ka kooban 10-wasiir.

Dadweynaha ayaa sheegay iney aad u farxad galisay in wasiiradda lasoo magacaabay ay yihiin kowo tiro yar, aqoontoodane ay wanagsan tahay.

Waxa ay dadweynaha ugu baaqeyn baarlamaanka iney ansixiyaan xukuumadda si ay u gudato howlaha tirade badan ee horyaala.

Xukuumaddan ayaa ah midii ugu yareed ee Soomaaliya laga dhiso tan iyo burburkii dhacay, waxana ay soo jiidatey indhaha Soomaalida iyo bulshada caalamka iyadona ay xukuumadda ku jiraan labo haweyn ah.

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: