Calendar

Soomaaliya:- 20 Sano Qax iyo Dowlad La’aan!

“20 sano kalle oo dagaal iyo dowlad la’aan ah diyaar ma u nahay?”

aleqm5ggho8mdu4zu2lqn-pw_lzbr602pq
Aniga oo web-ka google.com ka raadinaya dhibaatadda Dagaalada iyo saameenta uu ku leeyahay bulshooyinka ayaan isheedu qabatay “List of civil war” kadib markii aan sii aqriyay waxaan ku arkay in dalka Soomaaliya oo kaliya uu yahay dalka kaliya ee 20 Sano oo xiriir ah ay dagaalo ka socdaan laga soo bilaabi sanadkii 1991-2011.
Dalka Algeria sanadihii u dhaxeeyay 1991-2002 dagaalo ayaa ka socday balse dhibataadda Algeria iyo midda Soomaliya waxaa u dhaxeeya farqi weyn, Algeria dalkeeda waa mid Dowladda iyo koox Mucaarad ah u dhaxeeya balse Soomaaliya Dowladii waa la bur-buriyay waxa is heestana waa Soomaalida dhaxdeeda oo in Diintii lagu dagaalo ayaan goob joog u nahay marka laga reebo Dagaaladda cadowga lagula jiro.
1980-kii ayay dhibaatadda Soomaaliya bilaabatay xilligaas oo Goboladda Soomaaliya intooda badan ay dagaalo iyo barkac ka biloowdeen balse sanadkii 1991 ayay Dolwladii dhexe bur-burtay iyadoo wixii xilligaasi ka danbeeyay ay Soomaalida ku noolyihiin nolal xanuun badan meelkasta oo ay dunida ka joogaan..
Maamul goboleedyadda Somaliland iyo Puntland waxaa ka jira Nabad balse Wali Dowlad dhaxe haddii aysan jirin waa jug-jug Meeshaada joog, qofka ku nool Hargeysa, Burco, Garawe ama Boosaaso kama maarmo Soomaaliga ku dhibaateeysan Mogadishu, B/weyne ama Kismaayo oo Soomaalidu waa dad aan kala maarmin, Bashiir Cali Xuseen Hees uu lu luuqeeyo waxaa ku jiray erayo ay ka mid yihiin “Midigey bidixi maka maarantaa?, Madaxow manjaha maka maarantaa”? Jawaabtu ma dhib badana oo waa maya.
Wali ma is waydiisay sababta aan 20 sano dowlad la’aan u nahay?, wali ma is waydiisay Mustaqbalka Soomaalida sida uu noqon doono haddii arrinku sidan ku sii socdo?, Maxaa dolwad ama Maamul Soomaaliyeed loo la’yahay?, Su’aalahan iyo ka badan ayaan wali jawaab waafi ah u la’ahay?
Nolasha Qaxootinimo.!
Qaxootinimo waa nolal Xanuun badan, Waa Nolal qofkii soo maray uu fahmi karo dhibaatadda ay leedahay, ku dhalo ama ku soo bar-baar dal aan dalkaada aheyn wali dareenka Qaxootinimo wuu jiraa horay ayay Soomaali u tiri “Dal aan dalkaada aheyn waa Dareen ku joog” . shacab iska dhaafee waxaa Qaxooti wali ah dadkii dalka Madax u soo noqday oo maanta ku dhibaateeysan Barafka Yurub iyo Latin America.
Sanadkii 2006 waxaan booqday xeradda qaxootiga ee Dhadhaab oo sanadkan 2011 jirsatay, sidoo kalle 2008 waxaan booqday xeradda Qaxootiga ee Kakuma ee xadka Dowladda Kenya iyo Sudan ay wadaagaan ku taa waxana ku soo arkay waa Soomaali dhibaateysan iyo dad rajo beelay. Waxa ku kalifay nolashaas waa dhibataadda Soomaaliya ka socoto iyo dagaaladda wali socda.
Tiradda dadka Qaxootiga caalamka ku ah Soomaalida kaalinta 3-aad ayay kaga jirtaa balse haddii xaalku sidan ku sii socdo Qaxa intan wuu ka badnaan doonaa, tusaale Dagaaladda Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Mogadishu ka socda waxa dhashay muujado Qax ah oo Mustaqbalka dhow keeni karta in Magaaladda Mogadishu 3 Meelood 2 meel dadka hadda ku haray in ay isaga qaxaan iyadoo maanta Mogadishu ay ku noolyihiin dad ka yar Hal Milyan.
Soomaalida oo guuldaro dhanka Siyaadda ah ay ku dhacday ayaan hadda intooda badan ka qabin rajo in Dalka Soomaaliya xilli dhow uu noqon karo dal Dowlad hagaagsan ay ka jirto balse Alle ayaa garan kara sida uu Mustaqbalka dhow ay Soomaaliya noqon doonto.!
20 sano oo dagaal ah halkee ku soconaa?
Inkastoo aan ka mid ahay dhalinta 20-kan sano ee dagaaladda socdeen dalka Soomaaliya ku soo koray, markii aan dalka ka soo tagay oon aan dalka Kenya oo Qurbo iigu horeeyay aan tagay ayaan is waydiiyay Nabad la’aan iyo Maamul La’aan sidee loo noolaan karaa?, inkastoo 20 sano ay idlaatay haddana 20 sano oo kalle haddii xaalku sidan ku sii socdo maxaa dhici doono?. Walise jawaabta Su’aalahan waan raadinayaa.
Intii aan Qoraalkan ku guda jirayay ayuu nin Tagsiile Malaysian ah I waydiiyay halkee ka timid waxaan ku iri dalka Soomaaliya, markaas ayaan waydiiyay in uu garano si fiican ayaan u garanayaa oo Ciidankii AMISOM markii ay Soomaaliya tagayeen ayaan ciidan u dirtay dowladda Malaysia ee hadda xaalka waa sidee ayuu igu yiri, waxaane ugu jawaabay hadda xaalku waa bariga dhaxe gaar -Xaaladda way xuntahay- gaar ahaan Caasimada iyadoo sheekada halkaas inoo mareeyso ayuu igu yiri “Malaysia waxaa ku nool 3 Qoomiyad, Malaysian, Jeenis iyo Hindi”, intaas wuxuu ii raaciyay in Malaysia dadka ku nool ay diimo kala duwan aamisanyihin inkastoo Diinta Islaam-ka ay diinta koowaad ee dalka tahay balse Soomaaliya waa dal sidee ah dhanka dhaqanka iyo Diinta? markaas ayaan ku iri “Isku dal, Luuqad, Dhaqan iyo Diin Islam ah ayaan wada leedahay”, markaas ayuu igu yiri sababta aad isku dagaleesan maxay tahay markaas ayaan ku iri “anigaba ma garan wali”.


Sheekada ninkaas na dhax martay waxay ku soo dhamataay in aanan gar waayay sababta aan isku dileeyno iyadoo dad wax badan wadaagaan aan nahay balse nasiib xumo ayaa nagu dhacday, waan filayaa in qof walba oo Soomaali ah oo qurbaha tagay uu la kulmay arrintan oo kalle ama qisooyin ka xanuun badan kuna saabsan Xaaladda dalka Soomaaliya.
Gunaanad
Qoraalkan uguma tala galin in aan Macluumaad ku soo gudbiyo balse waxaann ugu tala galay in aan dareenkeyga ku aadan dhibaatada Soomaaliya ka socoto aan la wadaago Soomaalida kalle.
20 sano waxaan ku dhameesanay dagaal?, haddii sidan xaalku ku socdo Rajada aad Soomaaliya ka qabto waa maxay?, ma in aan Dibad joog ahaano mise dalkeena ayaan dhisanaa oo dhibaatada jirta xal ayan ka gaarnaa?…Salama
Mahadsanid.
Ibrahim Da’ud Abdalle “Gentleman”
Selengor, Malaysia
[email protected]
Facebook/Saifudiin Abdalle

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, Maqaallo / Articles, Wararka Maanta.
« »

Comment: