Calendar

Tahriibayaal Soomaali ah oo ku dhimatay badda Libya

31-610x250BARTAMAHA – Sodon qof oo tahriibayaal ah ayaa ku dhintay dooni  ay saarnaayeen xilli ay maraysay xeebta Jaziiradda Sicily oo ku taalla koonfur galbeed ee dalka talyaaniga.

Ciidamada ilaalada xeebaha ee wadanka Talyaaniga ayaa sheegay inay dadkani  dhinteen kadb markii ay neef qabatoobeen,ayadoo  maanta oo  isniin ah la helay meydadka sodonkaasi ruux,sida ay qortay wakaaladda waraka ee Talyaaniga ee News Agency.

Wararku waxay sheegayaan in doonta oo ahayd nooc kalluumaysiga ay saaraayeen dad tiradoodu gaarayso in ku dhow lix boqol oo qof (600).

Dhanka kale, Ciidamada badda ee wadanka talyaaniga ayaa sheegay in ay soo badbaadiyeen tahriibayaal tiradoodu gaaraysey shan kun oo qof (5,000) afartan iyo sideedii  saacadood ee la soo dhaafay(48).

Dowladda Talyaaniga ayaa sheegtay in todobaadkii tagay ay soo badbaadiyeen dad muhaajiriin   gaaraysa kun iyo lix boqol(1600) halka tirada guud ee sanadkan ay soo badbaadiyeen ay tahay lixdan kun oo tahriibayaal ah(60,000.

Muhaajiriinta ayaa ka imaada wadamada carabta iyo qaaradda Africa.

 

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: