Calendar

Taliyihii Ciidamada AMISOM Fred Mugisha oo xilkii uu ku wareejinayo Taliyaha cusub ee loo soo magacaabay inuu hogaamiyo AMISOM,

amisom

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan Dowladda KMG Soomaaliya oo uu ka mid ahaa wasiirka difaaca Dowladda KMG Soomaaliya ahna ra’iisul-wasaare xigeen Xuseen Carab Ciise, saraakiil kale oo ka tirsan Dowladda KMG Soomaaliya iyo Saraakiil ka tirsan AMISOM.

Taliyihii Ciidamada AMISOM Fred Mugisha oo goobtaasi ka hadlay ayaa wuxuu sheegay in xilkii uu ku wareejinayo Taliyaha cusub ee loo soo magacaabay inuu hogaamiyo AMISOM, taasoo uu sheegay in howshii uu u hayey bulshada Soomaaliyeed uu halkaasi ka sii wadi doono sida uu sheegay.

Sidoo kale taliyaha cusub ee maanta xilka la wareegay Gen. Andrew Guti ayaa wuxuu u mahad celiyey taliyaha xilka ku wareejiyey ee Fred Mugisha sheegayna in uu shaqada halkeedii ka sii wadi doono

Masuuliyiintii kale ee munaasabadaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa wasiirka gaashaandhigga xukuumadda KMG Soomaaliya Xuseen Carab Ciise wuxuuna sheegay inuu aad ugu mahad celinayo Fred Mugisha shaqada uu ka qabtay Muqdisho.

Wasiirka gaashaandhigga ayaa u tacsiyadeeyey ehelada Ciidamada AMISOM ee ku geeriyooday dagaalada ay kula galeen Al-Shabaab Magaalada Muqdisho.

Markii ay soo dhammaatay munaasbadaasi ayaa waxaa kulan gaar ah oo looga hadlayey ammaanka yeeshay Gen. Andrew Guti oo ah taliyaha cusub ee maanta xilka la wareegay iyo wasiirka gaashaandhigga Xukuumadda KMG Soomaaliya Xuseen Carab Ciise.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda KMG Soomaaliya ay isaga kaashan lahaayeen dib u xoreynta gobollada ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

xafiiska wararka bartamaha muqdisho

[email protected]

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: