Calendar

Taliyihii Ciidamada Daraawiishta Puntland oo goor dhow lagu dilay Xaafada Garsoor.

Taliyihii Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa goor dhow lagu dilay Xaafada Garsoor ee Waqooyiga Magaalada Galkacyo, xilli isaga iyo Ciidamo kale ay kormeerayeen Xaafada garsoor ee magaalada galkacyo Taliyaha la dilay oo lagu magacaabayay Col. Maxamed Muuse Ilka-Dheere ayaa la sheegay in meel fog laga soo toogtay oo loo maleynayo in halkii dhufeyska ku jireen maleeshiyo beeleedyada ay ka soo liifeen.

Dhanka kale xaafada Garsoor oo kala qeybisa waqooyiga iyo Koonfurta Gaalkacyo ayaa labadii maalin ee la soo dhaafay ka dhacay dagaalo u dhaxeeyo ciidamada maamulka Puntland iyo maleeshiyaad hubaysan waxana dagaaladaasi ay sababeen dhimasho iyo dhaawac.

 Xiriiro kala duwan oo aan la sameynay xarumaha caafimaadka iyo qar ka mid ah dadka degaanka ayaa waxay inoo sheegeen in dhaawacyo badan la soo gaarsiiyay isbitaalada ku yaala magaalada Gaalkacyo iyadoo tirada dhimashada la sheegayo inay sii gaareyso ilaa 50 ruux.

 Xaalada ayaa ah mid iminka degan, iyadoo dad fara badan ay ka barakaceen Waqooyiga Galkacyo dagaalada ka socdeen Ma jirto ilaa iyo hada cid sheegatay dilkaas, hase ahaatee waxay dilkan sare u qaadeysa xiisada dagaal ee ka oogan W/Galkacyo, iyo ammaan darada baahday ee ka jira galkacyo .

xafiiska wararka bartamaha muqdisho

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: