Calendar

Tartan kubada cagta ah oo loogu magac daray HIRDA oo ka furmay Garoonka Gaalkacyo (Sawiro)

hirda ciyaaro

Tartankan kubada cagta ah ayaa loogu magac daray HIRDA Peace Tourtnament, iyadoo ay ku tartamayaan afar kooxood oo ka kala socda Waqooyiga iyo Koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Koobkani ayaa ah mid looga gol leeyahay is dhexgalka dhallinyarada iyo qeybaha bulshada Gaalkacyo, waana markii ugu horeysay ee uu Ururka Hirda barnaamijka noocani oo kale ah uu ka fuliyo degmada Gaalkacyo, iyadoo Ururka Hirda uu ka shaqeeyo Waxbarashada, Caafimaadka iyo Cayaaraha.

hirda ciyaaro 1

Wakiilka Hirdo ee tartankani C/qani Axmed Carabey ayaa sheegay in koobkani uu bilowday 17-kii bishan September isla markaana uu soo gaba gaboobayo 21 September oo ku asteysan maalinta Nabada Adduunka.

hirda ciyaaro 2

Furitaanka koobka kubada cagta Hirdo ayaa waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Cusub ee Isboortiga Gobolka Mudug C/hodan Cali Dayax-leef, wuxuuna soo dhoweeyay talaabada muhiimka ah ee uu qaaday Ururka Hirda, wuxuuna ku amaanay in ay sii wadaan dadaalkooda ku aadan arimaha horumarinta isboortiga iyo ka shaqeynta isdhexgalka bulshada.

Gudoomiyaha Isboortiga Gobolka Bari Mustafe Mijacase ayaa soo dhoweeyay horumarka isboortiga gobolka Mudug, wuxuuna sheegay in isboortiga Mudug ka jira uu yahay mid loo siman yahay oo ay dhallintu si wadajir ah uga qeyb qaataan.

hirda ciyaaro 3

Ilyaas C/nuur oo ka mid ah Macalimiinta kubada cagta ee gobolka Mudug oo ah macalim aad iyo aad looga dambeeyo arimaha isboortiga gobolka ayaa soo dhoweeyay horumarinta isboortiga ee ay Hirda bilowday, wuxuuna hadalkiisa ku daray in loo baahan yahay in barnaamijka Hirda ay fulisay ay ku daydaan Hay’adaha kale ee gobolka ka jira.

Gaba-gabadii furitaanka tartanka waxaa hadlay C/qani Carabey oo sheegay in barnaamijkani uu ka yimid Ururka Hirda oo ka dhisan dalka Holland, kana shaqeeya arimaha bulshada, wuxuuna intaa ku daray in barnaamijka noocani ah ay sii wadi doonaan oo aysan intaa ku ekeyn horumarka ururka Hirda.

Xigasho.. Raxanreeb.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: