Calendar

Xildhibaano ka tirsan barlamaanka kmg soomaaliya oo gaaray magaalada garoowe.

Xildhibaano ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe si ay u xaliyaan colaada u dhaxeysa Maamulka Puntland iyo maleeshiyaadka hubeysan ee ka taagan maagalada Galkacyo.

Xildhibaan Xasan Abshir Faarax oo horkacaayay xildhibaanada gaaray magaalamadaxda puntland ee garoowe ayaa waxa uu sheegay in ujeedka ay halkaasi u gaareen ay tahay sidii ay u xalin lahaayeen dagaaladii ka dhacay Waqooyiga magaalada Galkacyo ee u dhaxeeyay ciidanka Puntland iyo maleeshiyaadka hubeysan.

Mudanayaashaani ka tirsan barlamnaka KMG Soomaaliya ayaa waxa la sheegay in markii kulamada ay la qaataan Mas’uuliyiinta sar sare ee Puntland ay u gudbi doonaan dhanka waqooyiga magaalada Galkacyo si halkaasi ay kulamo kula qaataan Waxgaradka sida odayaasha dhaqanka iyo Aqoonyahanada kuwaasi oo la filayo inay kala hadlaan sugida amaanka magaalada iyo joojinta dagaaladda oo la rumeysan yahay in ay sababeen dhimasho, dhaawac iyo barakac ay sameeyeen xoogan ku yeelatay dadka rayidka ah ee ku dhaqnaa magaaladaasi.

Magaalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal ayaa waxaa gaaray Xildhibaano ka tirsan barlamanka Soomaaliya Xildhibaanada oo tiradooda lagu sheegay ilaa 10 mudane  oo kasoo jeeda deegaanada Maamulka Puntland iyagoo halkaasi ay kusoo dhaweeyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulkaasi oo ay la qaadan doonaan kulamo ku saabsan arimaha amniga iyo sidii loo joojinlahaa dagaalo beledka ka soo cusboonaaday degaanadaasi.

Comments

comments

Category : Latest Somali News.
« »

Comment: