Calendar

Ururka Dhalinyarada Soomaalida Itoobiya Ee MN (SEDYO) oo Waftigii Halkaas kusugnaa iyo Bulshada qaybaheeda kale Martiqaad Casho sharaf ufidinaya.

200420_109331119148767_100002156398147_94698_533782_nMN (Cakaaranews) Wafti aad ubalaadhan oo kasocda Guud ahaan wadanka itoobiya oo ay kamid yihiin Madaxwaynaha DDS Mudane Cabdi Maxamuud Cumar, Gudoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga Shacbiga soomaalida itoobiya ahna wasiirka wasaarada shaqada iyo shaqaalaha fadaraalka mudane C/fataax Sh. C/laahi iyo Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Mudance C/raxmaan Sh. (guray) ayaa waxaa martiqaad ufidiyay Ururka Dhalinyarada Soomaalida itoobiya ee Minneapolis.

Iyadoo aad looladhacay soodhawayntii ay halkaas kagaysteen qurbajoogta deegaanka soomaalida aadna laalayaabay marka labarbardhigo qurbajoogta kale ee udhalatay wadanka itoobiya ayaa haddana waxaa isasoodaba dhacaya martiqaadyada ay qurbajoogta  u dhalatay deegaanka soomaalidu u fidinayaan waftigaas kusugan Minneapolis.

Haddaba ururkan dhalinyarada oo karti iyo isxilqaan aad usareeya muujiyay ayaa martiqaad u fidiyay dhamaan waftigii kasocday itoobiya, Shaqaalaha safaarada, Odoyaasha , waxgaradka, haweenka iyo dhamaan bulshada qaybaheeda kala duwan.

Martiqaadkan ayaa ah mid private ah islamarkaana lagu iman doono kaarka casuumaada oo ay diyaariyeen ururka dhalinyarada ee (Somali Ethiopian Diaspora Youth Organization).

Goobta Martiqaadku waa Hotel: Ramada Plazza Minneapolis 1330 Industrial Boulevard MN 55413.  Maalinka Bari ah ee ay taariikhdu tahay April 9/2011 Saacaduna tahay 8:00 PM upto 1:00 AM maalinka sabtida.

Wixii faahfaahin ah iyo kasoo qaybgalitaanka xafladaas fadlan laxidhiidha Afhayeenka Ururka Dhalinyarada SEDYO Mudane C/nuur Xasan Wali iyo Xubnaha Kale ee Gudiga fulinta Ururka

FG. Waxaa martiqaadkan lagu iman karaa oo kaliya kaarka martiqaadka.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: