read more »">

Calendar

Ahlusuna oo diiday Shirka Kenya,kuna baaqday Shir ay ku qabaneyso Cabudwaaq.(Dhageyso)

ahlusuna-waljameecaMaamulka Ahlusuna Waljameeca ee Gobolada Dhexe ayaa si weyn uga soo horjeesatay shirka lagu wado inuu ka furmo Magaallada Nairobi ee dalka Kenya,waxaana ay sheegeen inay taageersan yihiin fikirka diidmada ay shirkaasi ka muujisay dowlada Somalia. 

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Madaxa Arimaha Bulshada Ahlusuna Waljameeca Shiikh Mahad Khaliif Rooble oo maanta qadka telefoonka ugu waramayey Warbaahinta  isaga oo jooga Magallada Cabudwaaq ayaa sheegay inaysan marna aqbaleyn ka qeybgalka shirka lagu wado inuu ka furmo dhawaan wadanka kenya,iyaddoo uu wakiilka Qaramada Midoobay Mr,Mahiga uu sheegay inay Ahlusuno qeyb ka tahay garabyada shirkaasi lagu casumay.

 

Shiikh Mahad Khaliif ayaa shirkaasi ku tilmaamay inuu yahay mid aan wax faa’ido ah u laheyn umada somaliyeed,isagoona intaasi raaciyey inay wax badan usoo joogeen shirar sidan oo kale dibada lagu qabtay,hase’yeeshee aysan waxba kasoo bixin,waxaana uu sheegay in hada la joogo xiligii somalida isku tashan laheyd isla markaana ay iska diidi laheyd shirarka dibada.

 

Madaxa Arimaha Bulshada ee Ahlusuna Waljameeca Shiikh Mahad Khaliif ayaa dowlada ku meel gaarka ah si weyn ugu amaanay go’aanka ay ka gaartay shirkaasi,waxaana uu sheegay in ay taasi u horseedi doonto guul soo iftiinta umada Somaliyeed,waxaana uu uga digay inay ka laabtan go’aankaasi diidmada ah ee looga soo horjeeso Shirka Mahiga ku qabanayo Kenya.

 

Dhinaca kale waxa uu sheegay inay Ahlusuna ahaan qaban doonaan shirweyne somaliyeed,kaasi oo looga wada hadli doono waxkasta oo umadda somaliyeed dan ugu jirto,waxaana uu sheegay inay ahlusuna mas’uuliyada shirkaasi qaadi doonto isla markaana shirkaasi uu ka dhici doono Magaallada Cabudwaaq ee xarunta u ah Ahlusuna Goboladda Dhexe.

 

Shiikh Mahad ayaa sheegay inay horey magaallada Cabudwaaq ugu qabteen shir weynihii ahlusuna waljameeca kaasi oo socday mudo bil ah,isagoona intaasi ku daray inuu shirkaasi ahaa mid ku dhamaaday waji nabadeed,ayna kasoo baxeen nabada ay ku nool yihiin dadka gobolada dhexe, shirkaasi ayuu ku sheegay inuu ka madaxbanaana gacmo shisheeye,sida kan iminka uu Mahiga ku wado inuu ku qabto wadanka Kenya.

 

Go’aanka kasoo baxay Maamulka Ahlusuna Waljameeca garabka Gobolada Dhexe ayaa noqonaya garabkii labaad ee kasoo horjeesta ka qeybgalka shirkaasi,waxaana horey shirkaasi u diiday Xukuumada uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Farmaajo,iyadoo Ahlusuna Waljameeca iyo Dowladaba si wada jir ah loogu casumay inay ka qeyb galaan shirkaasi.

 

Dhawaan ayey aheyd markii Guddoomiye ku xigeenka Ahlusuna Waljameeca garabka Gobollada Gedo iyo Jubbooyinka Shiikh Maxamed Awlibaax uu sheegay inay ka qeybgalayaan shirkan,waxaana iminka muuqaneysa in Ahlusunada somaliya ku kala qeybsan tahay ka qeybgalka shirka Kenya,marka loo fiiriyo diidmada ka timid garabka Gobolada dhexe iyo ogolaanshaha ay muujiyeen garabka Gobollada Gedo iyo Jubbooyinka.

 

Shirka Kenya ayaa waxaa soo wajahay diidmo mida ugu weyn,waxaana markii ugu horeysay dhinac shirkaasi uga soo wada jeestay Dowlada,Ahlusuna iyo Dadweynaha Somaliyeed,iyaddoona uu wali Wakiilka UN-ka u qaabilsan Somalia Mr,Mahiga ku adgeysanayo inuu qabsoomayo shirkaasi,waxaase is weydiin leh,haddiiba ururadii iyo dowladii Somaliya u dhismeyd diideen shirka,cida uu Mahiga ku qabanayo shirkaasi iyo waxa kasoo baxayo meesha laga hirgelin doono.

 

Halkan ayaad ka dhageysan kartaan Wareysiga Shiikh Mahad Khaliif Rooble.

http://www.4shared.com/audio/AdO9AhvU/Wareysi_ShMahad_Khalif1.html

 

Cali Dahir Ciid

[email protected]

Delft,Netherlands.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: