Calendar

Ururka Iskaashiga Islaamka oo sheegay in dib u dajin ayu sameynayaan qoysaska bara kacyaasha.

Ku xiggeenka Ururka Iskaashiga Islaamka Cadhaa Al manaan ayaa waxaa uu sheegay in Ururkoodu ay wadaan howlgallo dib u dajin loogu samaynayo qoysaskii ku barakacay gudaha caasimada iyo gobalada Soomaaliya, isagoo tilmaamay in dib u dajintaasi ay marayso 3-waji  uu sheegay in wajiga koowaad uu yahay gargaar deg deg ah halka midka labaad uu tilmaamay in uu yahay in qoysaskii barakacay dib loogu celiyo guryahooda.

Lataliyaha Xoghaya guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa waxaa uu  sheegay in madaxda dowlada sida gudoomiyaha barlamanka KMG Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan in howlaha gar-gaar ee laga wado Magaalada Muqdisho uu aad ula dhacsanyahay Xoghayaha guud ee Ururkaasi Prof. Akmaludiin  oo sheegay in uu taageerayo howlgallada ay Magaalada ka wadaan dowladdda KMG ah ay ku qaqiijineyso amniga muqdisho.

Dhinaca kale Wafdi ka socda Ururkaasi uu booqday Isbitaalka hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir boqashadaan ayaa timid markii ay arkeyn caruur la ildaran cuduro ay ka mid yihiin jadeeco iyo shuban biyood iyo nafaqo daro sidaasi darteed ayee noqotay iney soo indha indheyaan caruurta halkaasi ku dacdareysan in ay garsindonaan agabyo Caafimaad iyo Raashin nafaqaysan oo lagula tacaalo caruurta ku xanuunsan Isbitaalkaasi

Ugu danbeyntii Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa waxa uu sheegeen in dib u dajin ay u sameynayaan qoysaskii ku barakacay gudaha Magaalada Muqdisho.

Xafiiska wararka bartamaha muqdisho

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: