Calendar

Shirkii looga hadlaayay arimaha abaaraha ka jira geeska afrika oo la soo gabagabeeyay galabta.

kulanka ayaa loga hadlay arimaha abaaraha ka jira dalka soomaaliya shir ayaa maalintii shalay ka furmay magaalada nairobi ee caasimada dalka kenya oo ay ka qeyb galayaan madaxda wadamada geeska afrika iyo wakiilada beesha caalamka.

Waxaa maanta magaalada muqdisho ka anba baxay madaxweynaha soomaaliya shikh shariif shikh axmed oo ku wajahnaa madasha shirka ayaa markii uu ka qeyb galay kulankii ka socday magaalada nayrobi ee dalka kenya ay ka soo qeyb galeyn madaxda dalalka geeska afrika iyo wakiilada beesha caalamka mataleysay ayaa madaxweynaha wuxuu soo hadal qaaday xaaladaha abaared ee ka jira dalka soomaaliya  wuxuu ka dalbaday in isbadal buuxa lugu sameeyo arimaha taakulenta dadka la il daran abaarta.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday arimaha amaanka wuxuu xusay in lama huraan ay tahay in gabi ahaan gacan laga geesto arimaha amniga sida inta dhiman loga fara maroojilahaa al shabaab isagow ula jeeday in gabi ahaan mesha laga saaro ururka al shabaab si dadka dhibateysan oo wili ku danbeeya gobalada dalka ee gargar loo garsiiyo.

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia ayaa sidoo kale isna halkaasi hadal ka jeediyay ayaa waxa uu xusay in dowladda KMG iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee samafalka aysan tagi karin goobaha ay gacanta ku hayaan Al Shabaab isla markaana  waxaana uu tilmaamay inay lama huraan tahay in la qaado talaabo wax ku ol ah si al shabaab mesha loga saaro 

isagoo sheegay in ciidamada dowladiisa ay galbiyeen gar gaarka badan oo la gaarsiiyay qeybo ka mid ah gobolada dalka soomaaliya ay maamulaan dowladda iyo Ahlu Sunna Waljamaaca ee dariska la ah dalalka Ethiopia iyo Kenya.

Ra’iisul wasaaraha dowladda Ethiopia Meals  Zanawi ayaa waxa uu sheegay in loo baahanyahay in kaalmo deg deg ah la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed oo ay abaartu saameysay.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya C/wali Max’ed Cali gaas oo maalintii shalay ka warbixiyay gar-gaarka bini’aadanimo iyo arimaha dib u heshiisiinta iyo horumarka dhinaca amniga laga gaaray. Sidoo kale waxaa halkaasi qudbado ka soo jeediyay wakiiladii beesha caalamka ka kala socotay .

Shirka maanta la soo gabagabeeyay ayaa loga hadlay arimo ay ka mid ahayen abaaraha ka jira geeska afriga gar ahaan abaarta ku dhufatay dalka soomaaliya hadaba qodabadii halkaasi lugu soo bandhigay oo inta badan quseyay xaalada abaaraha soomaaliya ayaa waxaa ka mid ahaa in loo baahanyahay in kaalmo deg deg ah la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed  Mashruucyo dadka loogu raadinayo shaqooyin iyo in dib loogu soo celiyo guryahooda,

Ujeeda shirkaan ayaa ah sidii xal loogu helilahaa abaaraha ka jira geeska afrika gar ahaan soomaaliya islamarkaana loo dhameystiri lahaa gar gaarka la garsiinaayo dadka barakacayaasha ah ee abaarta sida xun u saameysay.

Dhamaan madaxdii ka qeyb gashay kulankaasi looga hadlaayay abaaraha geeska afrika ayaa waxaa soo qaban qaabisay dowladda dalka kenya waxaana ka soo qeyb galay madaxda dalalka geeska afrika iyo wakiilada beesha caalamka qaramada midowbe iyo  kuwa deq bixiyaasha. Wuxuuna ku soo gabagaboobay sidii logu talagalay waxaana laga soo saaray qodo dhoor ah.

xafiiska wararka bartamaha. muqdisho

Comments

comments

Category : Latest Somali News.
« »

Comment: