Calendar

Ururka Shabaab Oo Biyo Dhaamin Usameeyay Dadka Abaaruhu Ku Dhifteen Ee Kunool Baay & Bakool

biyodhaaminGuddi loogu magacdarey gurmadka abaaraha ayaa Ururka Al-shabaab uu kaga dhawaaqay gobolada koonfur galbeed Soomaaliya, gaar ahaan gobolada Baay iyo Bakool.
Guddigani gurmadka abaaraha ayaa bilaabay howlo biyo dhaamin ah oo ay u fidinayaan dadka ay abaaruhu ku dhifteen ee ku nool deegaanada miyiga ah ee gobolada Baay iyo Bakool.

Deegaanada ku xeeran degmada Baydhabo iyo qeybo ka mid ah gobolka Bakool ayaa maanta waxaa si toos ah uga bilowday biyo dhaamin ay sameynayaan guddiga gurmadka abaaraha ee ay dhiseen Ururka Al-shabaab ee ka howlgala goboladaasi.

Wararka aanu ka helayno xubnaha guddigaasi waxaa ay sheegayaan in maanta ay biyo gaarsiiyeen deegaano badan oo ay ka jirtay biyo la’aan baahsan kuwaasi oo wax badan ka fog degmada Baydhabo, waxayna sheegeen in booyadaha biyaha gaarsiinaya deegaanadaasi ay tiro ahaan kor u dhaafayaan 20 booyadood.

Abaaraha deegaanadaasi ka jira ayaa sababay in reer guuraa badan ay ka soo cararaan miyiga oo ay soo galaan ama kasoo ag dhowaadaan magaalooyinka waaweyn sida Baydhabo, Xudur iyo Waajid, si ay halkaasi biyo iyo baad intaba uga helaan.
Biyo dhaamintani ay sameeyeen guddiga ay magacaabeen mas’uuliyiinta Ururka Al-shabaab ayaa waxaa soo dhoweeyay shacabka ku dhaqan magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur, waxayna sheegeen in gurmadkani loo baahnaa xilligani maadaama dadkii iyo duunyadii ay saameeyeen abaaraha jira.

RBC Radio.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: