read more »">
Calendar

Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho oo Soomaalida Holland kala hadlay waxbarashada dalka Somalia iyo sidii ay garab uga geysan lahaayeen (SAWIRRO)

Prof,Abdi Farah,Yaasin ,Dahir Ali Kamiin iyo ka qeybgalayaashii shirka.

Prof,Abdi Farah,Yaasin ,Dahir Ali Kamiin iyo ka qeybgalayaashii shirka.

Shir weyne ay soo uu soo qaban-qaabiyey Ururka Hirda Foundation ee ka shaqeeya waxbarashada dalka Somalia,laakiin fadhigiisu uu yahay dalka Holland ayaa waxa uu ka dhacay Magaallada Amsterdam,kaasi oo warbixin dhinaca waxbarashada Somaliya ku saabsan looga dhageysanayey Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr, Ali Sheikh Ahmed .

Waxaa shirkaasi ugu horeyn furtay Fadumo Maxamed Farax oo ah Agaasimaha Hay’ada Hirda,waxaana  ay sharaxaad ka bixisay ujeedada shirkan loo soo qabanqaabiyey iyo waxa laga filan karo inay kasoo baxaan,iyaddoo muujisay inay ku faraxsan yihiin kusoo dhaweynta Wadanka Holland ay kusoo dhaweeyeen Guddoomiye Dr,Ali Sheikh.

Agaasimaha Hay'ada HIRDA oo ka hadleysa furitaanka shirka.

Agaasimaha Hay'ada HIRDA oo ka hadleysa furitaanka shirka.

Shirka ayey Fadumo ku sheegtay inay uga hadlayaan waxbarashada Dalka Somalia ka jirta iyo waxyaabaha ka horyimaada marka loo eego dhinaca dib u dhacyada,waxayna intaasi ku dartay inay Hirda ahaan ka shaqeeyaan horumarinta Waxbarashada Somalia,iyaddoo la ogtahay in ururka Hirda uu iskuulo badan ka dhisay Dalka Somalia,ilaa hadana uu gacanta ku hayo.

Dhinaca kale waaa isna Shirkaasi ka hadlay Cali Abdi Awaare oo ka mid ah aqoonyahanada Somaliyeed ee Holland isla markaana ka mid ah Mas’uuliyiinta Jaaliyada Somalida ee Amsterdam,waxaa uu Ali shirkaasi uga hadlay xaalka guud ee somalida holland,isagoona sheegay inay dadka Somaliyeed u qeybsan yihiin kuwa la jaanqaaday horumarka ka socda dalkan iyo kuwa dib uga dhacay la jaanqaadida dalkan.

Gudoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr,Ali Sheikh oo la hadlaya Somalida Holland

Gudoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr,Ali Sheikh oo la hadlaya Somalida Holland

Intasi kadib,waxaa Hadalka qaatay Guddoomiyaha Jaamacada Muqdisho Dr,Ali Sheikh kaasi oo ku dheeraaday ka hadlida xaalka waxbarashada Dalka Somalia,isagoona sheegay in xaalka waxbarashada uu iska yahay mid calowsan,laakiin waxa uu taasi barbar dhigay in dadka somaliyeed aysan marna ka niyad jabin warbashada sidii loo sii wadi lahaa.

Dr,Ali Sheikh ayaa waxa uu sheegay in Jaamacada Muqdisho ay si rasmi ah u fureen sanadkii 1997,xiligasi oo uu sheegay inaysan dadka badi ku wada jirin inay waxbartaan,iyaddoo dhinaca amaanka dalkana uu ah aad u xun,laakiin ay u bareereen inay waxbarashada gaarsiiyaan ardayda somaliyeed ee aan nasiibka u helin inay dibada usoo baxaan.

Maxamed Baasaweyne oo ka mid ah Madaxda HIRDA iyo ka qeyb galayaasha shirka.

Maxamed Baasaweyne oo ka mid ah Madaxda HIRDA iyo ka qeyb galayaasha shirka.

Guddomiyaha Jaamacada Muqdisho Dr,Ali Sheikh waxa uu sheegay inay sanadkiiba arday ka badan 1000 ay ka qalin jabiyaan Jaamacada Muqdisho,waxaana uu sheegay in Shahaadada ay bixiso Jaamacada Muqdisho inay tahay mid la aqoonsan yahay,waxaana uu si gaar ah carabka ugu dhigtay inay Wadamada Maleesiya iyo Suudan Jaamacado ku yaala ay imtixaanka ardayda ka qaadaan,kadibna ay siiyaan shahaado dunida kale aqoonsan tahay.

Hadalka Guddoomiyaha oo ahaa mid dhinacyo badan taabanaya ayaa  ugu danbeyntii,waxa uu Somalida shirka fadhisay ku booriyey inay ka qeyb qaataan waxbarashada Dalka Somalia,isla markaana ay dib ula soo noqdaan wixii ay dalalka ay joogaan ka faa’ideen,taasi oo ay dhici karto inuu dalka Somalia u baahan yahay.

Wariye Abdiweli Ibrahim Garyare oo hadalka u qeybinaya ka qeybgalayaashii Shirka.

Wariye Abdiweli Ibrahim Garyare oo hadalka u qeybinaya ka qeybgalayaashii Shirka.

Waxa uu meesha kusoo bandhigay Guddoomiye Dr,Ali Sheikh  Video ka hadlayey Jaamacada Muqdisho iyo sida ay ku bilaabatay iyo hada meesha ay soo gaartay,waxaana uu sheegay in Jaamacada Muqdisho ay ku bilaaben awal guryo ay dowladii Somaliya laheyd iyo guri kiro ahaa,laakiin ay hada dhisteen dhismayaal qaadi kara Arday dan 10,000 ‘ Toban Kun ” kuwaasi oo ku kala yalaa Muqdisho iyo Boosaaso oo laga furay farac Jaamacadaka tirsan sanadkii 2009.

Dhinaca kale shirka waxaa ka hadlay  Guddoomiyihii hore ee Jaamacadii Umadda Somaliyeed Prof,Abdi Farax iyo Prof,Omar Shire oo isaga ka mid ahaa Macalimiintii iyo Madax waaxeedkii Jaamacadii Umadda Somaliyeed xiligii Dowladii dhexe ee Somalia,kuwaasi oo si wada jir ah ugu hambalyeeyey Dr,Ali Sheikh  dadaalkiisa ku aadan ka shaqeynta dal aysan ka jirin nidaam dowladeed,isla markaana uu uga dhex wado waxbarashadii.

Midig ka bilow:- Abdishakur Tarax,Dr,Ali Sheikh,Shamso Xasa,Prof,Abdi Farah iyo Prof,Omar Shire.

Midig ka bilow:- Abdishakur Tarax,Dr,Ali Sheikh,Shamso Xasa,Prof,Abdi Farah iyo Prof,Omar Shire.

Waxaana ay si wada jir ah u qireen inaysan sahlaneyn in laga shaqeeyo waxbarashada hada ee Somalia,waxayna ay is barbar dhig ku sameeyeen xiligii ay iyaga Hogaaminayeen Jaamacaddii Umadda Somaliyeed iyo mida Hada ee Jaamacada Muqdisho,iyagoona sheegay inay tahay laba kala dheer,maadaama aysan jirin dowladii caawin laheyd waxbarashada ay gacanta ku hayaan Dr,Ali Sheikh.

Dhinaca qurba joogta Somalida Holland iyo UK,waxaa shirkaasi uga hadlay Haweeneyda Shamso Xasan iyo Abdishakur Tarax,kuwaasi  oo tilmaamay kaalinta qurba joogta ee ku aadan ka qeyb qaadashada waxbarashada Somalia,waxaana Shamso Xasan ay walaac ka muujisay kaalinta gabdhaha somaliyeed ee waxbarashada,iyaddoo sheegtay in gabadhaha laga hor istaago waxbarashada kadib markii niman loo guuriyo iyagoo aad u da’yar.

Abdishakuur Tarax oo isaga ah lataliye dhinaca waxbarashada ah ayaa sheegay inuu Jaamacada muqdisho laga shaqeyn doono arino badan oo uu ka caawiyey wadamo kale oo geeska africa ka jira,taasi oo ay si weyn usoo dhaweeyeen somalidii kale ee halkaasi joogtay.

ka qeybgalayaasha shirka oo uu ka dhexmuuqdo Prof, Omar Shire.

ka qeybgalayaasha shirka oo uu ka dhexmuuqdo Prof, Omar Shire.

Dadweynihii halkaasi joogay ayaa su’aalo weydiiyey Guddoomiyaha Jaamacada Muqdisho Dr,Ali Sheikh,kuwaasi oo dhamaantood uu uga jawaabay,waxaana intaasi kadib uu isagana ka dalbaday Guddoomiyihii hore ee Jaamacadii Umadda Somaliyeed Prof,Abdi Farax iyo Prof,Omar Shire inay ka qeyb qaataan waxbarashada Dalka ka socota isla markaana waqtigooda ay qeyb siiyaan inay waxbaraan ardayda dhigata Jaamacadda Muqdisho,taasi oo ay si weyn usoo dhaweeyeen.

Dr,Ali Sheikh waxa uu dalka Somalia kusoo laabtay sanadkii 1992 xiligaasi oo uu Jaamacad ka dhigayey Wadanka Sacuudi carabiga,taasi oo uu ka doorbiday inuu dalka somalia dib ugu soo noqdo si uu uga qeyb qaato waxbarashada Dadkiisa oo xiligaasi dagaal sokeeye lugaha kula jiray,waxaana dareemi kartaa in xiligaasi oo ay dadka badi ka qaxayeen somalia qof usoo laabtay dalkiisa inuu yahay wadani ay somali wada xusi doonto.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Hay’ada HIRDA ayaa waxaa soo afmeertay Agaasimaha Hay’adaasi Fadumo Maxamed Farah,taasi oo sheegtay inuu shirkan kusoo dhamaaday sidii la rabay,waxaana dhinaca kale ay mahadcelin u jeedisay Guddoomiyaha Jaamacada Muqdisho Dr,Ali Sheikh oo safar dheer usoo galay,sidii uu dadka Somalida Holland arimaha waxbarashada ugala hadli lahaa,waxaana si taasi la mid ah ay ugu mahadcelisay intii kale ee kasoo qeybgashay shirka.

sawir ay si wada jir ah u galeen ka qeybgalayashii shirka.

sawir ay si wada jir ah u galeen ka qeybgalayashii shirka.

Cali Dahir Ciid
Delft,Netherlands.

Comments

comments

Category : Diaspora, Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: