Calendar

Villa Soomaliya oo diiday war lagu qorey Reuters

War saxafadeed kazoo baxay Villa Soomaaliya ayaa lagu beeniyey warbixin ay wakaaladda wararka ee Reuters qortey oo sheegaysay in madaxweynaha wax iska badaleen aragtidiisi hore ee inuu diiday in dhuxusha la dhoofiyo uuna haatan ogolaaday.

“Xasan Sheikh Maxamud, Saddex todoobaad ka hor waxa uu si buuxda u taageray cuna-qabateenta ay  Qaramada Midoobe kusoo rogtey February in dhaqalaha laga jaro Dagaalyanahadda Islaamiyiinta isagoona haatan fikirkiisa badalay markii uu maqlay dadka Soomaalida” ayaa dheheysaa warbixinta lagu qorey Reuters

War-ka ay soo saareen madaxtooyadda ayaa lagu sheegay iney si weyn u beennayaan warka ay qortey Reuters ee inuu madaxweynaha isbadal. Waxana ay sheegayaa iney masuuliyad daro ay tahay in shirka jaraa’id ee madaxweynaha si qaldan loo soo xigto.

Waxa-ka Madaxtooyadda Villa Soomaaliya laga soo saarey ayaa intaas ku daraya in Madaxweynaha uu shirkiisi jaraa’id uu ku dhahay iney dowlada ka shaqeyneso sidii xal loogu heli lahaa dhuxusha guban  si loo ilaaliyo bay’ada, looguna helo suuq geyn dhuxusha hada taalo.

“Madaxweynaha waxa uu mar kale uu xaqiijinayaa sida uu u taagersan yahay qaraarkii kazoo baxay Golaha amaanka ee Qaramada Midoobe, waxana dhamaan wadamada ka midka ah ka codsanaya inaan ogolaan dhuxusha laga soo dhoofiyo Soomaaliya” ayaa madaxtooyadda sheegtey iyagoona ay ka codsadaan wakaaladda Reuters iney ka laabato warka ay ka qoreen.

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: