Calendar

Wafdiga uu hoggaaminayay mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo maanta muqdisho dib ugu soo laabtay.

fiqi 2

Wafdigaan uu hoggaaminayay mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa waxaa ggaroonka Kusoo dhoweeyay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda Gaashaandhigga Abaanduulaha Ciidanka  Xoogga dalka Generaal C/kariim Yuusuf Aadan “Dhego badan” iyo xubno kale oo ka tirsan Dowladda.

Mudane C/xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi oo shir jaraa’id saxaafadda ugu qabtay garoonka Diyaaradaha ayaa ka hadlay shirkii ka dhacay Uganda kaas oo diiradda lagu saaray arriamaha ay Ugu horeyaan  amniga  islamrkaana ay ka qeyb galeen dowlado badan, waxa uuna hoosta ka Xariiqay wasiirka gaashaandhigga In ka qeyb galeyaasha shirkaasi ay isku afgarteen in la xoojiyo Aammanka guud ee Soomaliya.

Sidoo kale Mudane Fiqi ayaa ka hadlay booqasho uu maalmihii ugu dambeeyay ku joogay gobolka  Gedo waxuuna xusay inuu ku guubaabiyay ciidamada qalanbka sida ee halkaasi jooga inay sii labo Labaan howlgalada ay ku ciribtirayaan  kooxda Shabaab.

Wasiirka gaashaandhigga  xukuumadda KMG iyo wafdigaan ballaaran uu hogaaminaayay ayaa Gelinkii dambe ee maanta ka soo dagay garoonka aadan cadde , isagoo faahfaahin ka bixiyay Kulan Looga hadlayay Amaanka Soomalaiya uu kaga soo qeybgalay  dalka Uganda.

Imantigaan uu maanta dib ugu soo labtay muqdisho  wasiirka gaashandhigga c/xakiin maxamuud Xaaji fiqi ayaa ku soo adeeyso xili maalin ka hor uu maga caabay madaxweynaha soomaaliya Shiikh shariif shiikh axmed r/wasaare cusub kadib markii uu xilkaas iska casilay mudane farmaajo Su.aasha isweydiinta mudan ayaa ah mar kale maloo magacaabi donaa wasiirka gashandhigga C/xakiin fiqi.

 Xafiiska wararka bartamaha: muqdisho

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: