Calendar

Wakiilka Alshabaab Ee Gobolka Banaadir oo dowlada Soomaaliya ku Eedeeyay Abaabulka Dagaal beeleeyo ka dhaca Soomaaliya.

shabaabu1Bartamaha(Muqdisho):-Wakiilka kooxda alshabaab Ee Gobolka Banaadir Sheekh Cali Maxmed Xuseen ayaa wasiira dowlada ka tirsan ku Eedeeyay in ay wadaan Hurinta Colaadaha dalka gaar ahaan iyagoo wada abaabul dagaal beeleedyo soomaaliya ka soo cusboonaada.

Sheekh Cali Maxmed Xuseen Wakiilka Kooxda alshabaab Ee Gobolka Banaadir ayaa dowlada soomaaliya ku tilmaamay mid haatan maciin bidaysa abaabulka dagaal beeleedyo ka dhaca dalka taasi oo uu sheegay in aanay soomaaliya xilgan dani ugu jirin.

Sheekh Cali Maxmed Xuseen wakiilka Alshabaab Ee G/Banaadir ayaa wasiiradka Amniga Cumar Xaashi iyo xubna ka mida dagaal oogayaashii dalka ku tilmaamay kuwa ku faraxsan in ay kiciyaal xiisad colaadeed beelaha soomaalida ka dhexdilaacda si ay uga badbaadaan xoogaga mujaahidiinta alshabaab oo ciriiri galiyay deegaanada ay dowlada ku sugnayd.

Masuulkaasi ka mid ah saraakiisha kooxda Alshabaab ayaa si kulul waxa uu u beeniyay dhalinyaro shalay ay dowlada kusoo bandhigtay muqdisho kuwaasi oo ay ku sheegtay in ay Alshabaab ka soo qafaasheen G/Sh.Hoose taasi oo uu tilmaamay in ay ka mid tahay been abuurka ay caanka ku noqdeen madaxda dowlada.

Sh/Cali Max,ed Xuseen ayaa sheegay in aanay magaalada Muqdisho xerya tababar ku lahayn Alshababaa taasi oo uu sheegay in ay muujinayso been abuurka baaxadda leh oo ay shalay sheegeen saraakiisha dowlada ahaa .

Wakiilka Wilaayada Alshabaab ayaa hadalkiisa waxa uu ku soo aadayaa xilli welli ay magaalada Muqdisho isaga soo horjeedaan ciidamadooda iyo kuwa dowlada Fd soomaaliya iyadoo diyaargarow dagaal laga dareemayo qeybaha ay labada dhan ku kala suganyihiin.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com.

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: